Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha
Duljoogso oo ku hako: daboqoodhiga doolka ah oo ay ku soo biireen koox cusub oo la yidhaahdo bakhti fuu.

August 21, 2009 (QOL) Waa qormadeenii Duljoogso oo aanu ku eegayno kooxda dabaqoodhiga doolka ah loo yaqaano oo hada ka horna loogu yeedhi jiray Bakhti fuul inat aanaan sii fogaanin aan nidhaahno Ramadaan kariim kulun caam wa antum bikhayr dhamaan muslimiinta waxaan u rajaynaynaa in uu Illahay ka aqbalo cibaadada bishan barakaysan ee Illahay inagu simay khayrkeedana uu inna siiyo sidoo kale waxaanu Illahay ka rajaynaynaa in uu shacabka dulman ee Ogaadeenya faraj khayr qaba oo deg-deg ah u furo bishan bisheedana ay ku cibaadaystaan Ogaadeenya oo xor ah aamiin.

Hadaan u soo dagno dulucda qormadeena gumaysiga Itoobiya oo caan ku ah damac & dhulbalaadhsi wuxuu si xeel dheer ula fal galay shacabka Ogaadeenya isagoo samaystay hankoolo uu ku adeegto oo u fuliya danihiisa waxaa gude & dibada gumaysiga uga hawlgala gacanyare Soomaalida Ogaadeenya uu ka astaamaystay kuwaas oo uu ku xushay damiir xumida & dareen la'aanta.

Gumaysiga gabalkiisii sii dhacayo oo wakhtigiisii gabaabsi yahay ayaa ku guul daraystay isku daywlba oo uu ku cimri dherar sanayo waxaana gudaha Ogaadeenya loogu dhigay cashiro lama ilaawaan ah oo han jabiyay Askartii gumaysiga ee ku hamiyay in ay shacabka Ogaadeenya siday doonaan ka yeelaan inta ay dushana ay kaga kaajan inta aduunku taaganyaha.

Damaca gumaysiga Itoobiya oo si dhab ah u beenoobay waxaa jawaabo ku haboon ka bixiyay Ciidanka Waddaniga Xoretnta Ogaadeenya & shacabka geesiga ah ee garab taagan waxaana dhulka Ogaadeenya ka hano qaaday halgan xawli dheer ku socda oo maalinba maalinka ka dambeeya sii bulaalaya.

Dhawrkii sano ee u dambeeyay wuxuu gumaysigu badbadalay qorsheyaashiisa dagaalka wuxuuna qaaday dhawr guluf oo uu ugu magcdaray sifaynta ONLF hawlagladaas oo badh ahaan gumaysiga lagaga wada guulaysay wadhina ay ka raacday waxaa xusid mudan hawlgakii u dambeeyay ee ay JWXO u bixisay Xiin-finiin shacabka Ogaadeenyana waxa u bixiyeen Nasiye waayo waxaa halgalkaas loogu awood sheegtay Askarta gumaysiga oo qorshihii loo dajiyay uu ahaa in ay cagta mariyaan shacabka Ogaadeenya cidina aysan waxba iska waydiinin balse wiilasah & gabdhaha CWXO oo balan qaaday in ay dhiigooda ku difaacaan sharfta & karaamada shacbka Ogaadeenya ayaa cagta mariyay waxaana Woyaanaha si walba ugu adkaatay in ay shacbak Ogaadeenya ku qasbaan keenada & heeryada qudhmuun.

Gumaysigu wuxuu cuno qabatayn ku soo rogay shacabka Ogaadeenya kadib markii uu halganka ka xidhiidh furi waayay wuxuuna awoodiisii oo dhan isugu geeyay in uu shacabka Ogaadeenya si kama dambays ah u xasuuqo, xidhxidho, hantida laga dhaco guryaha laga gubo & dumarka oo la faro xumeeyo, falalkaas arxan darada ah dhamaantood waxaa gacantooda ku fuliya kuwa aan damiirka lahayn ee uu Cabdi Iley ugu horeeyo nimanka waxaas oo dhagar ah umadoda ka galay waxaa loo wakiishay in ay gaashaan u ahaadaan gumaysiga waana taas sababta aysan dhankaas & dhankaas midna u eegaynin ee ay meeshi lagu amroba daf u dhahayaan waayo waxaa ka maqan damiirkii aadamuhu kawada sinaa & Iimaankii qofka muslimka ah celin jiray ee xishoodku gun dhiga u ahaa.

Gumaysiga & gacanyarihiisa ducfiga ah kolkii ay ku fashilmeen hawlagladii gudaha Ogaadeenay waxay u soo baqooleen wadamada qurbaha oo ay joogaan Jaaliyado Ogaadeenya u dhashay oo cudud & caqli midaysan leh una diyaarsan in ay sida shacabka gudaha kaalindooda qaataan sutidana ay u dhigaan damiirlaaweyaasha dulga ku qanacsan.

Hadaba gumaysiga & dabdhoonkiisa oo sii cadceedsanaya naftuna ay qaad-qaadayso gudo & dibadba waa lagaga adkaaday waxaana ku dhacay wax aysan filanaynin dabaqoodhigii doolka ahaa ee qurbaha ka jiray waxaa bakhtigooda dusha ka sii fuulay koox aan awal hore is muujin jirin oo ku fashilmay safarkii u horeeyay ee ay dhagarqabeyaashu ku tageen Wadanka Sweden kuwaas oo si faah faahsan loogu soo qoray kagana bogan karto Dufaan.com ayaa maanta si rasmi ah loogu wanqalay magacan Bakhti fuul oo aan filayno in ay Soomaalidu garan karto macnaha uu ka turjumayo & waxa asal ahaan loo yaqaano magacan cusub ee loo xulay kooxdan qurbaha ku kharawday isla markaasna iyagoo aan dani jaajuusnimo ku qabanin iyagu doortay in ay jidkaas madoow qaadaan umadoodana ay ka takoormaan..

Kooxdan Bakhti fuul waxaa ka mid ah rag aan cidiba halkaas ka filaynin oo ay qaarkood sida la sheegay Masaajidyo Imaam ka yihiin, kuwaas oo u soo xayd xaytay lafta madhan ee ay feenteen Tigreega & kuwa hangoolka u ah bal aan dhawrno ceebta & calaamada ka widhwidha kooxdan oo uu dagaalkoodii bilowday durbana laga guulaystay waxaana Illahay lagu mahadinayaa in ay kooxdana Bakhti fuul soo baxeen xili loo baraarugay rajadii shacabka Ogaadeenyana ay soo dhawaatay aaray .

Tigree, Dhagarqabeyaasha Jig-Jiga u fadhiyaya, Dabaqoodhiga doolka ah, + Bakhti Fuul= Dakhsi ururyoo haan bujin waa.

Waxaa diyaariyay
Taftiraha Qorahay Online
qormadeena dambe
lasoco.

Qorahay Online

 

 
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online