Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha
Wadani.net

Jaaliyada cusub oo laga aas-aasay magaalada Turku Dalka Finland.

Feb 7, 2010 (QOL) Maalintii sabti ahayd ee taarikhdu ku beegnay 30.1.2010. waxaa safar ku tegey magaalada Turku wefti heersare ah oo uu Haaminaayey gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeenya ee dalka Finland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Colaad (Cabdirashiid Jwxani) Weftigaas oo kor u dhaafayey 12 xubnood oo ka tirsan jaaliyada qaybaheeda kala duwan.

Magaalada Turku waa caasimada 2baad ee Dalkan Finland waxaanna ku nool bulsho aad u badan oo ah Jaaliyadda Ogaadeenya. Turku waxay caasimada Helsinki u jirtaa qiyaastii 200km
waana magaalada 2baad ee Soonaalidu ugu badanyihiin.

Hadaba weftigii halkaas ayaa u yimid in inay meeshaas ka aasaasaan jaaliyad cusub oo ka shaqaysa arimaha bulshadda Ogaadeenya. Hadaba weftigu muxuu kala kulmay magaalada, dadka magaaladuse dad noocee ah ayey ahaayeen?

Run ahaantii weftigu wuxuu la kulmay soo dhoweyn heer sare ah, oo shacabku waxay ku sugayeen duleedka magaalada. waxyaabihi aan la yaabnay waxaa ka mid ahaa hawada oo aad u xumayd qabowguna ahaa -25c ayey dadku banaanka waftiga ku sugaayeen. Isla markiiba waxaa weftiga loo gudbiyey xafiiska Jaaliyada Soomaaliyeed oo shacabka qaarkiis ku sii sugaayeen weftiga.

Iswaraysi iyo salaan kadibi waxaa la gudagalay muhiimadii loo aaday meesha oo ahayd balaadhinta Jaaliyadda Ogaadeenya ee Yurub oo waddamo badan ay ka jiraan Jaaliyado u adeega umadda Ogaadeenya.

Isla markiiba waxaa furmay shirkii, oo uu daadihinayey Mudane Yusuf oo ah xubnaha dadaalka badan ka wada ah kana danbeeyey suura gelinta shirka. Waxaa codbaahiyaha lagu soo dhoweyey Gudoomiya Jaaliyadana Mudane Cabdirashiid. oo ka warbixiyey halganka iyo meeshuu marayo iyo waxyaabaha looga baahanyahay dadkeenna qurbaha ku nool. waxaanna hadaladiisa ka mid ahaa hadii aynaan xabada rideyn aan afka ka hadalo oon qadiyadeenna ka dhaadhicino dadkan aan la noolahay, una sheegno in canshuurta dadkeenna shaqeeya laga jaro lagu caawiyo gumeystaha laguna gumaado shacabkeena dhibaataysan.

Ugu danbeyntii waxaa laysku raacay in meeshaa dhidibada loogu taago Jaaliyad mideysa isuna keenta shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada Turku iyo nawaaxigeeda.. Waxaana halkaas laga hirgaliyay Jaaliyada cusub oo ku soo biirtay Jaaliyadaha Ogaadeenya ee caalamka meelo kala duwan ka hoolgala neeftana ku celiyay gumaysiga Itoobiya ee gumaadaya shacabka Ogaadeenya.

Qorahay Online

 

"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"

 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online