Ogaysiin ku socda
dhamaan Dhalinta Ogaadeenya ee North America gaar ahaan Minneapolis.
Feb 7, 2010 (QOL) Ogaysiis ku soda dhalinta
Ogaadeenya ee ku dhaqan North America oo shir balaadhan isugu
iman doona Minneapolis 13 March 2010.
Waxaa dhamaan Jaaliyadda Ogaadeenya & Dhalinta Ogaadeenya
lagu war galinayaa in ay ka soo qayb galaan shirkan oo ay daadihinayaa
Ogaden Youth Network. Waxay dhalinta horaan sanadkii hor soo bandhigeen
Riwaayada caanka ah ee loo yaqaano Magayee Gumaysiga Gayiga
aan ka Xoreyno, oo gaadhay dhamaan aduunka dacaladiisa
waxayna ku tusinaysaa sida jiilka soo koraya ee ku koray qurbaha
u dareen san yihiin gumaysiga uu wadan koodu ku jira & muujinta
dareenkooda ku aadan arintaas. Riwaayadan waxay kamid tahay kuwa
maanta Jaaliyaadku ugu jecelyihiin waxay muujinaysaa diidmo qayaxan
oo ay dhalinta Ogaden Youth Network u sheegayaan Itoobiya in ay
ka guraan Ogaadeenya hadii kale in ay la kulmayaan cawaaqib xumo
aan dhamaanin oo jiilba jiil u ka dhaxlo qori isu dhiibka halgamada
taxanaha ah, kacdoonka bulshada ee gudo & dibadba is qabsaday.
Waxaa meelo badan oo caalamka ah ka socda kacdoon shacab oo aan
la'loodinkarin Dhalinta Ogaadeenya aduunka waxay wadaan abaabul
bulsho & in ay dhalintu isku xidhnaadaan oo ay fariintooda
gaadhsiyaan meelo badan. Waxaa wadama kajira ururo dhalinyaro
oo wada Riwaayado sida ururkiii dhalinta ee ugu horeeyay ee Ogaden
Youth Studant (OYF) kana askunmay Ingiriiska, waxayna dhalintaasi
soo bandhigeen laba Riwaayadood oo kala ah Arliga Angaa
iska leh Isticmaarna ma Ogalin & Xasuuqi
Shacbkayga Xisaabaa ka dambayn oo labaduba si weyn u
soo jiitay dareenka bulshada Ogaadeenya gaar ahaan dhalinta Ogaadeenya
ee gudo & dibadba waxaana dhalintaas ku tilaami karaa in ay
aabo u yihiin dhamaan dhalinta Ogaadeenya ee caalamka.
Warbaahinta Qorahay Online oo marwalba soo bandhigta Ogaysiisyada
Dhalinta waxaanu ku gubaabinaynaa in ay halkaas kasii wadaan dhalintu
howsha ay ku jiraan.