Jawaasiis badan oo
Guumaysiga u shaqayn jiray ayaa habeenimadii xalay la dhigay Xabsi
ku yaal magaalada Jigjiga.
Feb 8, 2010 (QOL) Wararka naga soo gaadhaya
Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in dhawr Jawaasiis uu u adeeggi
jiray Gumaysiga Itoobiya in Xabsiga loo taxaabay habeenimadii
xalay, kaddib markii laga qabtay meel ay ku qayilayeen oo maqaaxi
ahayd kuna taalay Xaafadda 02aad ee magaalada Jigjiga. Warkan
oo Warbaahinta Qorahay Online soo gaadhsiiyay mid ka mid ah dadkii
ku dhawaa markii Jawaasiistan la qabqabanayay ayaa sheegay in
halmar ay hareereeyeen Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee Jigjiga
Raggan Jawaasiista ah kaddibna amar ku siiyeen inay gudaha ugalaan
gaadhi ay markaa wateen Ciidanka Gumaysiga.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo soo xidhxidhay Jawaasiistan
balse wararka qaar ayaa sheegaya in Jawaasiistan loo soo xidhxidhay
kaddib markii ay sidii la rabay ugu shaqayn waayeen Guumaysiga
iyo Wakiiladiisa Daa'uud iyo Ina Iley. taasna ay ku mutaysteen
in la soo xidhxidho. Raggan Jawaasiista ah ayaa u badnaa kuwo
caan ka ah Ogaadeenya siiba magaalada Jigjiga oo midkood la sheegay
in uu soo xidhxidhay dhammaan Eheladiisii oo ay ku jirto Gabadh
ay walaalo yihiin dhanka hooyada.
Haddaba Xadhigan loo gaystay Jawaasiistan ayaa kusoo beegmaya
xilli Jawaasiis badan oo Guumaysiga u shaqaynayay ay shaqadoodii
iskaga carareen qaarna dalkaba ka baxay iyadoo taasina sabab u
ahayd markii lacagihii Guumaysigu u ballan qaaday Jawaasiista
ay ka yaraatay intii la siin jiray qaarkoodna aan wakhtyo dheer
aan la siin wax lacag ah. sidoo kale kuwa kalena ayba si tartiib
ah uga baxeen Jaasuusnimadii kaddib markay is garteen inay waxay
ka shaqaynayaan uusan ahayn shaqo fiican dadkoodiina ay u gacan
galinayaan Guumaysi manaxaan ah.
Si kastaba ha ahaatee Guumaysiga iyo Kalkaaliyayaashiisa ayaa
Jawaasiistooda markay hawlahooda ka dhamaystaan oo ay ka gaadhaan
dantii ay ka lahaayeen Abaal gud uga dhiga Xadhig iyo Dil taasina
waxay kuu caddaynaysaa khayaanada uu Guumaysigu had iyo jeer kawato
dhulka Ogaadeenya iyo dadkiisaba Arrintana waxay cashir buuxa
u noqonaysaa Jawaasiis badan oo wali ku jira dabinada Guumaysiga.