Shir ka Dhacay Dalka
Sweden Magaalada stockholm oo Madaxda Jabhada ONLF ka Qayb-Galeen.
Feb 8, 2010 (QOL) (Stockholm)- maalintii sabtida
oo ay taariikhdu ku beegnayd 2010.02.06 ayaa waxaa magaala madaxda
wadanka sweden ka dhacay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen
bulshaweynta somalida ogadenia ee ku nool wadanka sweden iyo aqoonyahano
soomaaliyeed, waxa kale oo shirka ka soo qaybgalay waftu uu hogaaminayay
GK2aad ee JWXO N/hure C/qaadir Hiirmooge (Cadaani) oo beryahan
kormeer hawleed ku marayay wadamada scandanivianka. shirka oo
ay ujeedadiisu ahayd kor u qaadida hawlaha halganka, ka warbixin
xaalada wadankii uu ku suganyahay iyo sidii kor loogu qaadilahaa
arimaha diplomasiyada.
Ugu horeyn shirka waxaa lagu furay aayado quraamka kariimka ah,
kadibna waxaa loo istaagay heesta calanka ogadenia. intaa kadib
waxaa lagu soo dhaweeyey madasha mudane c/naasir gadhweyne oo
ka warbixiyay wax qabadkii jaaliyada ee 2009, isaga oo xusay in
sanadkii dhamaaday ay jaaliaydu ku talaabsatay horumar weyn oo
ah dhinacyada abaabulka dadweynaha, diplomasiyada iyada oo ay
jaaliyadu kulamo badan la qaadatay baarlamaanka, wasaarada arimaha
dibada iyo hayadaha xuquuqul insaanka ee sweden oo ay dhamaantood
kala hadashay hibaatada uu baday guumaysiga abasiiniya shacabka
ogadenia ee aan waxba galabsan.
Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay aqoonyahan soomaaliyeed oo ku
nuuxnuuxsaday kuna dheeraaday sida uu waajib ugu yahay qof walba
oo soomaaliyeed inuu taageero hiil iyo hooba ah inuu la garab
istaago halganka xaqa ah ee ay JWXO hogaaminayso.
Intaa ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha N/hure C/qaadir
hiirmooge (cadaani) oo ay dadweynuhu si aad ah u sugayeen khudbadiisa.
N/hure cadaani ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taaanaysa
ka soo jeediyay shirka, isaga oo ku bilaabay xaalada nololeed
ee wadankii ka jirta, dhibaatada uu guumaysigu ku hayo shacabka
isaga oo sheegay in sanadkii ugu danbeeyay ay wayanuhu bilaabeen
in ay dadka wadar u dilaan, taas ku badnayd dumarka. waxa kale
oo uu aad ugu dheeraaday xaalada siyaasadeed ee ethiopia iyo waxyaabaha
la saaaalinayo in ay ka so baxaan doorasho ku sheegta ay sheegeen
i ay dhacayso bisha may 20210.
Dhinaca halganka mar uu ka hadlayay wuxuu sheegay in maanta ciidan
wadaniga xoreynta ogadeniya uu gaadhay dhamaan gobolada ay ka
koobanthay ogadenia diyaarna ay u yihiin in ay goolka dhaliyaan
wakhti dhaw inshalah.
Dhinaca siyaada waxa uu shaagay gudoomiyuhu in maanta caalamku
u soo jeedsaday ogadenia lana filayo sanadkan in isbadal weyn
ka dhaco geeska africa oo ay ogadenia ugu horeyso.
Ugu danbayntii waxaa halkaa lagu waydiiyay suaalo badan oo ku
saabsan arimaha uu gudoomiyuhu ka hadlay isaga oo si waafi ah
uga jawaabay uguna qanceen shacabweynihii dhagaysanayay.