Silent Cry lagu dhigay
Melbourne Australia 06/02/2010.
Feb 8, 2010 (QOL) Maalintii oy bishu ahayd
6 Feb 2010 ayaa waxaa lagu soo bandhigay magaalada Melbourne ee
gobalka Victoria, wadanka Australia Filinkii Silentcry (Oohinta
Qarsoon). Waxaa ka soo qayb galay dad tiradoodu kor u dhaaftay
950 ilaa 1000 qof oo iskugu jira Soomaali iyo ajnabi ah aqoonyahan,
culumo owdiin iyo arday.
Saacdu markey aheyd 3:00pm waxaa la furay hollka weyn Melbourn
Waxaa xaflada ka shaqeynayey dhalinyaro gaadheyey ilaa 55 qof
ku was oo ku labisan funaanado ku qoran yahiin (Silent cry) Filimkan
oo laga soo duubey xeryaha qaxootiga ee ku yaala gobolka waqooyi
bari dalka Kenya , halkaasoo ay ku sugan yihin kumaanaan qof oo
ka soo barakacay xasuuqa ay ciidamada Itoobiya ka wadaan wadanka
Ogadeniya.
Furtaankii filinka ayaa waxaa ka hadlay Ayaan Abdullaahi oo ah
gabadh yar 15 jira ah ku hadashay ,hadal yar dadkii meysha joogay
qiiro galisay waxeyna ku soo dhaweysay markii dabe gudomiyaha
jaaliyada ogadenia Xikim sheikh kaas oo warbixin yar filimka ah
dadka siyey ku hadlay Luuqada englisha ah iyo somaliga.
Furitaankii barnaamijka iyo soo dhawayn kadib waxaa lagu soo
dhaweeyey hawl wadeenadii Filimka, kuwaas oo si kooban uga hadlay
sida uu filimnkan ku bilowdey iyo sababaha ku kaliftay in ay Filimkan
soo bandhigaan, ayadoo ay Dhalinyaradu khudbadoodii ku sheegay
in ay dalxiis u aadeen wadanka Kenya, kadibna ay kula kulmeen
nin Taksiile ah magaalada Nairobi. Wuxuu Taksiilahaasi u sheegay
dhalinyarada dalxiiska ahayd in dhamaanba qoyskiisii ay xasuuqeen
ciidamada Ethiopia, marwadiisiina ay dab qabadsiiyeen, ilaa iyo
eegana uunan ka warhaynin afadiisii geeri iyo nolol midna.
Sheekadaa naxdinta leh kadib ayey dhalinyarada ku dhalatey in
ay sheekadan baadhaan, waxayna u safreen xeryaha qaxootiga ee
ku yaala gobolka waqooyi bari ee dalka kenya, halkaasoo ay kula
soo kulmeen dad ay ka muuqato dhibaato aad u balaadhan oo isagu
jirta jidh dil, kufsi, xarig dhac iyo barakac. Fikradan soo saarista
Filimka ayaa ka dib ku dhalatay, dhalinyaradan ayaa waxeey ku
bixinayeeyn warbixintoodii luuqda Englishka ah iyo somaliga.
Dhacdooyinka murugada leh Filinkan ku ira waxaa ka mid ah Gabadh
ay kufsadeen 9 ka mid ah iidamada Itoobiya oo Simaha naafo ka
noqotey. Gabadhan oo inta badan ooyeysa ayaa daawadayaasha filimka
qalbigooda dilaacisay. Sidoo kale, waxaa ku jirta Hooyo lahayd
3 Wiil oo laba kid ah ay Ciidamada Itoobiya dileen, midkii seddexaad
oo siqiir ahna lagu qasbey in ay iyadu gacanteeda ku dal-dal-dasho.
Dhibaatooyinka lagu soo badhigay filimka ayaa gabi haanba ah
dhibaatooyin murugo leh, waxaana kuu muuqanaysa marka aad daawato
filimka siyaabaha ay ciidamada Itobiya iyo kuwa u adeega ugu talaxtageen
xuquuqul insaanka shacabka Ogadenya. Mudada aad filimka daawanayso
ayaadan waxaad arkaysaa in qiso kasta oo filimka ku jirta ay ka
murugo badantahay midba mida ay ka dabeyso.
Aad ayey u adagtahay in si hoose looga sheekeeyo dhibaatada ka
muuqato dadka Filimkan murugada xambaarsan ku jira ee ay Ciidamada
Itoobiya xasuuqeen. Qofka daawada filimkan wuu ku reebayaa xasuus
qalbigiisa marba ka dir dirmaynin.
Waxaa meysha ka hadlay dhalin yaro yar yar midka ugu weyn jiro
12 jir ku madalayaan dhalinyaradii dhibka soo gadhay ku durjubayaan
luuqda English-ah , dhalinyaradan yar yar ka hadashay ayaa waxeey
ka mid yahiin jaaliyadda heer ogadenia magalada Melbourne Australia
Daawashada Filimka ayaa waxaa garab socdey iibinta funaado ay
ku qoranyihiin ereyada Silent Cry. Funaanadahan ayaa dadku u iibsanayeen
si tabarucaad
Filinkaa soo bishii lasoo dhaafay ay ka soo dagay Perth Australia
laguna dhigay markey aheyd bishu 30. 30/01/2010