Qormada
Duljoogs: Cabdi Iley & Daa'uud
Amxaar oo shirkad ku ahaa u adeegida gumaysiga Itoobiya maxay
isku qooraansadeen?
Feb 18, 2010 (QOL)Waxaa maalmahan laga hadal
hayay guud ahaan dhulka Ogaadeenya gaar ahaan magaalada Jig-Jiga
Cabdi Iley & Daa'uud Amxaar oo xaaladooda wada shaqayneed
ay meel aad u xun marayso waxaana si weyn u soo if baxaya khilaaf
mudoo soo jiitamayay oo labadaas damiirlaawe u dhexeeyay kaas
oo sida la tilmaamay ka dhashay awood maroorsiga Cabdi Iley oo
si indho la'aan ah u fiday.
Waxaa
Daa'uud Amxaar si aad ah u cadho galiyay af & gacan dheerarka
Cabdi Iley oo meel walba gaadhay, tan & intii Daa'uud Amxaar
loo magacaabay hor joogaha wakiilada gumaysiga waxaa yarayd amaba
aan shaqaynaynin mas'uuliyada loo doortay Daa'uud Amxaar waxaana
awooda ka maroorsaday si fiicana Tigreega u raali galiyay Cabdi
Iley oo ay Tigreegu u arkeen in uu aad muhiim ugu yahay.
Khilaafkan xoogan ee soo kala dhex galay gacan yaraha gumaysiga
ayaa aad looga hadal hayaa guud ahaan dhulka Ogaadeenya ee uu
gumaysigu u wakiishay labadaas dambiile waxaana muuqata in ay
labadan damiir laawe ku heshiin waayeen wadaagista dhiiga shacabka
Ogaadeenya oo ah waxa ay nolol maalmeedka kala soo baxaan waxayna
tartan ugu jiraan u dhawaanshaha Tigreega oo lagu gaadho dilka,xidhayga
handadaada & dhaca shacabka Soomaalida Ogaadeenya.
Daa'uud Amxaar waa kuma muxuuse Ina Iley ku qoonsaday?
Daa'uud Amxaar sida magiciisa ka muuqata waa nin Itoobiyaan
ka turjumaya waana nin aad u dhexgalay oo ay qalbigiisa Itoobiyanimo
ka buuxdo waa nin Ina Iley ka degan oo xidido dhaa-dheer Itoobiya
ku leh waa nin qorshe fog ku hamiya isal markaasna jecel in aysan
dadku ka didin waa nin jecel in uu bulshada Soomaalida Ogaadeenya
Itoobiyanimo waraabiyo kana tir-tiro waxa ay aaminasnyihiin ee
naca Itoobiya ku dheehanyahay, Daa'uud Amxaar oo aan inaba wax
naxariis ah Soomaalida Ogaadeenya u haynin ayaa hadana waxaa ka
af & rodba dheeraaday Ina Iley oo ay Tigreegu si fiican u
hawl galiyeen ugana jajaban hawlaglada Shacabka Soomaalida Ogaadeenya
dhanka ka ah waxaana Daa'uud Amxaar aad u dhibay codka Malaz ee
maskaxda Ina iley lagu duubay isla markaasna afka Ina Iley ka
soo baxaya kaas oo si talantaali ah looga dhagaysto daafaha caalamka.
Dambiyada faraha badan ee uu Ina Iley Shacabka Soomaalida Ogaadeenya
ka galayo waxay niyad jab ku rideen Daa'uud Amxaar oo taariikhdiisa
oo dhan Itoobiyaan ahaa isla markaasna hadafkiisu yahay in ay
Soomaalida Ogaadeenya Itoobiyanimo ku milmaan arintaas oo ka khatarsan
cadaadiska & xanuunka Soomaalida Ogaadeenya dul saaran, Tigreegu
waxay jecelyihiin ficilka degdega ah ee wax loogu dhimayo bulshada
Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan waayo Tigreegu wey ogyihiin
in uusan Shacabka Soomaalida Ogaadeenya Itoobiya ku milmaynin
waxaa kale oo ay Tigreegu arkaan in ay Soomaalida Ogaadeenya tubtii
xoriyada cagta saareen ayan ka go'antahay in ay heeryada gumaysiga
ka hoos baxaan sidaas daraadeed Tigreega waxaa la gudboon in ay
cadaawada si dhab ah uga gun gaadhaan ayna Shacabka Soomaalida
Ogaadeenya qabjabiyaan una adeegasdaan qaar ay bulshada ka astaysteen
oo fulinkara qorshayaasha gumaysiga.
Hadaba Daa'uud Amxaar wuxuu is tusay in ay Tigreegu Ina Iley
ka door bidayaan oo aysan qorshihiisa Itoobiya isku dhajinta ah
Tigreega u cuntamaynin waana halkaas meesha layska qooraansaday
wuxuuna Daa'uud Amxaar qaadan waayay fadalka ina Iley ee sida
xawliga ah u dhaafay, marar badan ayay labadan dambiile u kala
dacwoodeen Saraakiisha Tigreega ee u yeedhiya hawlaha ay wakiilka
uga yihiin waxaana mid walba dhegta loogu sheegay hadal qarsoon
oo ah in uu isagu muhiim yahay kan kalena ka mudanyahay Tigreegana
uga dhawyahay.
Ina Iley waa nin caynkee ah maxayse Tigreegu ku doorteen?
Dadka sida fiican Ina Iley u yaqaana ayaa isku raacay in uu
yahay nin aan waxba xeerinin oo aan is kala reebin waana nin ay
dadka shacabka ahi aad uga argagaxaan marka ay arkaan ayna orod
& ilaahoow iga badbaadi ku agmaraan waa nin dhacdhac badan
oo ay marar badan is jiidhaan Tigreega laftiisa, waxyaalaha khatarta
u keena isaga & kuwa dirsaday balse isaga dadaalka ka ah waxaa
ka mid ah, ma aha nin siyaasi ah mana aha nin aqoon leh mana fahmi
karo qaabka saxaafada looga hadlo waxaa uun lagu qufulay dadkaaga
cadaadi saxaafadana adigu ka qiro dambiga aad galayso eeda &
dakanaad ay Askarta Tigreegu galaana adigu isa saar sababteedana
shacabkaaga u xambaari wuxuuna marar badan dhex qaadaa wax shaqadii
loo cayimay ka baxsan oo marka ugu dambaysa galaafan kara.
Sikastaba ha ahaatee waxay u egtahay in uu soo dhawaaday xiligii
labadan dambiile laga aag badalan lahaa isla markaasna xabsiga
loo walwaali lahaa sidii kuwii iyaga ka horeeyay ee markii ay
umadooda wax walba oo xumaan ah u quudheen xabsiga abaal marin
looga dhigay waana wax taariikhda Itoobiay laga bartay in ay ninkasta
oo aad ugu dadaala marka ugu damabysa isaga gawska dhigto.