Ururka OYSU fariciisa Masar oo oo kulan muhiim ah isugu yimid.

Feb 3, (2013 (QOL) Waxaa xalay ka dhacay dalka masar gaar ahaan caasimada Al-Qaahira kulan balaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen gudida ururka OYSU ee dalka Masar. Shirkan oo socday mudo dhowr saacadood ah ayaa waxaa lagaga arinsanayay laguna lafa gurayay xaaladda Halganka Ogaadeenya marxalad uu hada ku sugan yahay & doorka ay dhalinyardu kuleedahay.

Sidoo kale waxaa qiimayn guud lagu sameeyay dhibaatada ka jirta Ogaadeenya kaas oo isugu jirta kufsi, barakicin & cadaadis joogta ah oo lagu hayo dhacabka nugulka ah ee aan waxbna galabsanin kaas waajib ku ah dhlintu in ay dowr aadu wanaagsan ka qataan xaaladaas ka taagan Ogaadeenya.

Waxaa qiimayn lagu sameeyay wax qabadkii Ururka OYSU Masar mudadii uu jiray wixii u qabsoomay & waxaan u qabsoomin, xidhiidhka dhalinta Ogaadeenya ee daafaha aduunka ku kala baahsan dadaalka ay wadaan kaas oo loo arkay mudadii ay OYSU jirtay in ay wax weyn ku soo kordhisay saaxada siyaasadeed & in la xoojiyo gaar ahaan dhalinta OYSU ee Masar in ay kor u si qadaan wax qabadkooda.

Shikan ayaa sidoo kale lagu lafa guray qorsha howleedka ururka ee bilaha soo socda, wax qabadkii sanadkii lasoo dhaafay iyo arimo kale oo badan oo in taba si fiican loo qiimeeyay.

 

Gabagabadii wuxuu shirku ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan waxaaan goobta isugu yimid dhalinyaro ka midaysan aragtida gumaysiga Itoobiya kana go'antahay inay isgarabtaagaan halganka lagaga xoroobayo gumaysiga Itoobiya ee ay maanta wado Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online