Ururka Haweenka Ogadeniya ee South Africa oo Shir isugu yimid Port Elizabeth.

Feb 3, (2013 (QOL) Ururka Haweenka Ogadeniya ee South Africa ayaa isugu yimid kulan ay soo qaban qaabiyeen Hooyooyinka Ogadeniya ee South Africa.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Port Elizabeth (PE) ee Xarunta Gobolka Eastern Cape gaar ahaan xaafada Uitenhage ee ay Somalidu ku badan tahay Kulankan oo ay ka soo qayb galeen Hooyooyinka Somalida Ogadeniya ee ku Nool magaalada PE ayaa ahaa Kulan ay Ururka Haweenku kaga tashanayeen sidii ay kor ugu sii qaadilahaayeen dadaalkooda ku aadan hawlaha Halganka gobonimo doonka ah ee ay Jabhadda ONLF hormuudka ka tahay islamarkaana u sii xoojin lahaayeen Kaalinta ay kaga jiraan Halganka lagu Xoreynaayo dhamaan dhulka Somalida Ogadeniya kaas oo ay gumaysato xukuumada Itoobiya in kabadan Boqolaal Sanno.

Waxaa kulanka kahadlay Halganto Nimco Cabdulaahi oo ah Masuul ka tirsan Ururka Haweenka waxayna goobta ka soo jeedisay warbixin kooban oo meelo badan taabanaysay waxaa kale oo kulanka ka hadlay masuuliyiin kale iyo Xubno Faramadan kuwaas oo dhamaan tood siwaafiya uga dhiibtay Fikirkooda.

Waxaa kale oo kulankan ka soo qayb galay Xubno ka socday Ururka OYSU ee isla magaalada Port Elizabeth kuwaas oo lagu martiqaadat shirka waxaana ka hadlay Dr Qiso oo ah Xubin ka mida OYSU wuxuuna ka soo jeediyay mahad Naq uu u mahad celiyay Ururka Haweenka Ogadeniya kadib warbixin aad u dheerayd iyo kalinta ay Haweenka Ogadeniya iyo Hooyooyinku ku leeyihiin Halganka ka sodca Ogadeniya.

Kulankan oo la isla qaatay dhamaan qodobadii laga hadlaayay ayaa ku sooo dhamaaday waji wanaagsan Dareen wadaniyadeed ,Ugu dambeyn waxay xubnihii ku balameen in hawsha halganka la sii xoojiyo.

Xayi Yare
Qorahay Media
Port Elizabeth
South Africa
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online