Shir loogu magac daray Samrinta Gumaysiga Bariga Afrika oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya Nairobi ku qabatay xaafadda Isliina gil-gilay.

Feb 3, (2013 (QOL) Magalada Nairobi ee dalka kenya ayaa waxaa maanta lagu qabtay shirwayn oo ay kasoo qayb galeen bulshada qaybaheeda kaladuwan shirkan ayaa waxaa soo abaabulay Gudiga Dalada Nairobi ee Jaaliayada Waxaana Kasoo qayb Galay Kuamaan shacaba oo si,aada u Xamasadaysan inay Lakulmaan Qaarkamida Madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya oo Shirka Xaadrirku ahaa.

Shiraka ayaa waxaa Lagu Daah Furay Heesta Calanka kadibna loogasii Gudbay Ajandayaashiisa Xogahaya Bariga africa ayaa waxa uu sihabsami usocodle udaadihinayay Shirkan qiimaha badan waxa uuna mid mid ugu soodhaweeyay Masuuliyyinta Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadeniya iyo Marti sharafkale oo dhamaantood khudbado muhiima kana sheekayanayay Xaalada Hada Lagu jiro iyo Marxalada Halgaku Marayo Sharaxaada Dhaadheer kabixiyay.

Jaaliyada Somallida ogadeniya ee dalka kenya oo le awood muuqata ayaa si,aan kala hadhlayna umuujisay jiritaan keeda taas oo hubaala inay wax badan oo niyada jaba kukeeni doonto kooxda Dhididi dhawrka ah iyo qawlaysatada kaganacsada dhiiga shacabka dulman ee somalida ogadeniya,

Masuulyiinti shirka kahashay ayaa dhamaan waxa ay si aada ugu nuux nuuxsadeen sharaxaada waafiyana kabixiyeen dhaqanka gumaysiga iyo siyaasda bariga africa iyadoo goobta lagu daawaday cajalado muqaala oo laga soo duubay safaarada gumaysigu kuleeyahay magaalada Nairobi ee caasiamada dalka kenya

Sidookale waxa iyana ladaawaday Baroortii Cabdi iley ee Kaligii ytaliye Zenawi taas oo dadka siwayn uga qoslisay tustayna meeqaamka uu taagan yahay ina iley iyo kooxdiisa.

Isku soo wada duuboo shirka ayaa waxa uu kusoo dhamaaday guul iyo farxad waxaana shirkan loogu magac daray Samriye oo loola jeeday inuu cadawga samriyo tusana rabitaanka shacabka dulman ee somalida ogadeniya iyo waxa ay doonayaan.

Askari Abdullahi
Qorahay Media
Nairobi, Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online