Feb 3, (2013 (QOL)
Shalay oo ay taarikhdu ku beegneeyd 2, Febraayo-2013
ayaa magaalada magaaladda Dhobley lagu Caano Shubay Cabdullaahi
Suldaan Cali Sonkor oo ah suldaanka cusub ee ay
beshaasi yeelanayno kadib markii ay tiirabiu timid walaalkii
Cabdi Cali Sonkor oo isla shalay la aasay.
Dad goobjooga yaal ahaa oo joogay goobta Suldaanka
lagu caleema saarayay ayaa Qorahay Media u xaqiijiyay in
xabado badan la riday kadib markii caano lagu shubay Suldaanka
cusub isla mar ahaantiiba hawada isla qabsatay Sawaxanka
rasaasta oo kor loo ridayay taasoo looga jeeday damaashaad
& soo dhaweeynta Suldaanka Cusub ee Aji ee Goboloda
Jubbooyinka.
Odaayasha dhaqanka ee Caleemo saarayay Suldaanka
in ayaa kaqeeyb galaan Aaska Marxuumka Allaha u naxariistee
Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo Aaskiisa ka dhacayay magaalo
madaxda Jubbada Hoose ee Kismaayo taasoo aas qaran lagu
sameeyay.
Waxaa Sida Caadada ah lasheegayaa in Suldaanka
la Caleemo Saaro isla xilliga mayda la aaso.
Taariikhda Suldaanka oo koban kala saco wareerkeena danbe.
G.Garaad
Qorahay Media
Yorkshire,UK
Qorahay99@yahoo .com.