Feb 6, (2013 (QOL)
Dhacdo walba oo aduunka ka dhacda waxay
leedahay wax lagu xasuusto taas oo umadda dambe qasab ku
tahay in ay ogaadaan wixii xiligaas dhacay waxayna dadka
aan markaas joogin u keenaysaa in ay la socdaan Bisha Febaraayo
waa bil taariikh u leh dhamaan shacabka Soomaalida Ogaadeenya,
waana bil kulmisay waxyaabo badan. Haba Warbaahinta Qorahay
Media ayaa soo uruurisay wax yaabihii ugu muhiimsanaa ee
bishaas dhacay sanadkii 1994 ayada oo warbaahintu idin xusuusisa
sanadba kuna soo kordhisa ama soo hesha wixii dhacay xiligaas.
Bisha Febaraayo waxay kulmisaa maalmo xusuus iyo qadarin
ka mudan shacbiga Soomalida Ogaadenya Bishan gudaheeda waxaa
dhacay dhacdooyin waawayn oo taariikhda dalka Ogaadenya
baal muhiim ah ka galay, maalmahaas qaar waxay leeyihiin
murugo, qaara farxad, qaara labadaba way isku darsadeen.
Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka
mid ah maalmahaas.
10 Febraayo 1994 waxay Ciidamada Gumaysiga
Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe Marxuum
Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe
iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali
Aadan iyo Diiriye Dhaqane.
06 Febraayo 1994 Waxay sidoo kale Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya magaalada Wardheer ku dileen gudoomiye
ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim
Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey wuxuu
horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku
khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu
ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho Odayaasha
iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka
dawladda oo ahaa in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.
17 Febraayo 1994 Waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba
u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti
laga qaado dadkooda.
12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya
si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii
iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo Marxuum
Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka
sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii
iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan, arrintan
waxay noqotay wax ku cusub taariikhda kana soo horjeedda
xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.
12 Febraayo 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya
Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse Ibrahim
iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii Joornaalkii
la odhan jiray Sheeko & Shaahid.
15 Febraayo 1994 Waxaa la qabtay kalfadhigii
baarlamaanka dalka Ogaadeenya, Baarlamaanku waxay ka doodeen
mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadeenya waxayna aqlabiyad
badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogaadeenya
laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan
yihiin.
Go’aanka Baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin
gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey
taariikhda Ogaadeenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo
doorteen kalsoonina ka haystay dadwaynaha, sidoo kale go’aanku
wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya
oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka
ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya.
Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday
inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka
Ogaadeenya.
17 Febraayo 1994 Waxay Cuqaasha Ogaadeenya
Zenawi hortiisa ka taageereen go’aankii Barlamanbka
isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar,
isla Badhtamihii Febraayo 1994 Ururkii ONLF Golihiisii dhexe
ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii
Baarlamaanka kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan
dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo
dhibaatada u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Itoobiya.
22 Febraayo 1994 Waxaa magaalada Wardheer
laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii
baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday
in dadwaynaha afti la waydiiyo sidoo kale waxaa xilligaas
ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Allah ha
u naxariistee Marxuum Sheikh Ibraahim Abdalla oo isna hadal
ka jeedin lahaa bannaanbaxa.
Isla bishaan waxay ciidamada Itoobiya gurigiisa kala bexeen
magaalada Dhagaxbuur Mukhtaar Gadhweyne isaga oo ay ku hortogteen
xaaskiisa Xaliimo Haybe Mohamuud, isla habeenkaas waxay
dileen Dhuux Siyaad, Sidoo kale waxay isla xiligaas dileen
nin magiciisa naloogu sheegay Taagwaa, waxay sidoo kale
si waxash nimo ah ugu dileen isla magaalada Dhagaxbuur Ina
Ahmed Nuur oo ahaa Macalin bare Dugsiga Hoose Dhagaxbuur.
Sidoo kale Gudoomiyhii gobalka Dhagaxbuur Bulbul oo ilaa
hadda aan lagaranaynin geeri & nolo.
Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan
bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO
geeri ama nololba, Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub
culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii
waxayna shacbigii reer Wardheer maalintaas si geesinimo
iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab
jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay
inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan
bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus
waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel
lahayn u gumaaday shacbigii magaalada Wardheer waxaa maalintaas
goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.
Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed iyo Murugo
labadaba waxay huwan yihiin murugo marka laga eego xasuuqii
loo gaystay dadwaynaha reer Wardheer iyo waliba burburkii
dhismayaashii Magaaladda iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre,
Qalaafe iyo Dhagaxbuur, dhinaca kalana waxay mudan yihiin
xusuus huwan farxad iyo faan marka laga eego sida dadwaynuhu
ugu istaageen xaqooda u qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa
ee Itoobiya u difaaceen madaxdii iyo magacii umadda.
Waxay noqotay arrin lagu faani karo taariikhdana gashay
sidii dadwaynaha reer Wardheer oo aan haysan hub u dhigma
kuwii ay wateen Ciidamada Itoobiya ay u difaaceen Magaaladda
iyo madaxdii shacbiga, inkastoo dad rayid ah oo aan waxba
galabsan ay ku dhinteen halkaas ayna mudan yihiin in loo
murugoodo haddana waxaa dhinca kale garab taagan geesinimada
iyo sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee
Itoobiya.
Bisha Febraayo taariikhdaas ayay kulmisaa waxayna shacbiga
Ogaadeenya ku xusaan bishaan hab Murugo iyo Farxad labadaba
leh waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto
dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka
xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogaadeenya.
Halkan
ka dhagayso wixii dhacay Febraayo 1994
Halkan
ka dhagayso wixii dhacay Febraayo 1994
FG: Waxaan akhristayaasha ka codsanaynaa
cidii haysa taariikhda oo sax ah in ay no soo gudbiyaan
ama hadii ay ku arkaan wax khalad ah in ay naga saxaan.
nooguna soo hagaaji e-mailkan qorahay99@yahoo.com
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com