Feb 6, (2013 (QOL)
Waa barnaamij cusub oo ka bixi doona haddii
alle idmo war baahinta Qorahay Media Waxaanuna ku qeexi
donnaa waa maxay halgan? Waa kuma halgamaaga dhabta ah?
Ugu horeyn halgan waxaa laga keenay kalmadda harjad ama
rafasho ama lagdan iwm Waxaa lala lagdamayaa cadowga si
looga soo dhiciyo xuquuqdii uu boobay. Halganku waa tab
lagu gaadho xaqiijinta hadaf sare sida xoriyad iyo karaamo
iyo cizzi ama cadowga oo dalka laga xoreeyo ama gumeysi
dhul boob doonaya oo laga hortago.
Sidaa
darteed halgamaanimadu ma aha tilmaaan qof walba iska sheegan
karo waana sifo lagu tilmaami karo qofka muteystay oo kaliya
mana aha in la siiyo qof aan la hubin inuu mudan yahay iyo
in kale. Halgamaagu waa shaqsi buuxiyey shuruudaha looga
baahan yahay halgamaaga waana shaqsiga cimrigiisa iyo noloshiisa
u hibeeyey qaddiyaddiisa kadibna ku sugnaaday illaa uu ama
kaga shihiidayo ama ka gun gaadhayo kama danbeysta guusha.
Hadaba halganka waxaa loo qeybiyaa dhawrb nooc
oo kala ah
HALGANKA CASKARIGA AH: Waa kan lala galayo
cadowga dagaal hubeysan si looga xoreeyo wadanka waana kan
ugu caansan ee gumeystayaasha lagaga soo dhacsado xaqa shucuubta
ay boobeen.
HALGANKA SIYAASIGA AH: Waa midka lagu
raadiyo xuquuq siyaasi ah waxaana mararka qaar lagu gaadhaa
ujeedooyin gaar ah laakiin waxa la isku raacsan yahay inaanu
u natiijo wanaagsaneyn sida halganka caskariga ah.
HALGANKA FIKRIGA AH: Waa qaabka loo fashiliyo
duullaanka maskaxda ee uu cadowgu ku doonayo inuu maskaxda
kaga xado da,yarta si ay u qaataan afkaarahiisa gurracan
waxaana ka qeyb qaata halganka noocan ah culimada iyo indheer
garadka oo dadka bara taariikhdooda iyo caqiidadooda waana
midka uu cadowgu ugu neceb yahay marka laga yimaaddo midka
hubeysan
Intaa kadib waxaan heleynaa natiijada ah
1. Halgamaagu ma aha ninka cadowga dhibaatada ka soo gaadho
ama xabsi gala ama si kale loo waxyeeleeyo halganka dartii.
2. Ma aha in aan huwinno halgamaanimada cid walba oo maalmo
inoo muxaadareysa annagoon miisaan dhab ah saarin waxyaabaha
qofku mabaadi ahaan u xambaarsan yahay iyo dhaqanka uu umadda
u gudbinayo sidaa darted waxaa qofka halgamaa ka dhigi kara
ama u diidi kara waa qaab socodkiisa iyo caqiidadiisa wadaninimo
ee uu ummadda ka gadayo.
Waxaa odhan karnaa halgamaagu wuxuu u qeybsamaa labo qeybood
oo kala ah Halgamaa daacad ah iyo halgamaa khaain
ah.
Halgamaaga daacadda ah waa shaqsiga qaddiyaddiisa ugu shaqeeya
sida ugu munaasibsan ee daacadnimada ah isagoo aan cidna
uga baahneyn inay arrintaas ku karaameyso allaahna ajir
uga raadsanaya.
Halgamaaga khaainka ah waa nin laga yabo in ummaddiisu
halyey u taqaano isagu laakiin aan aheyn sidaas la moodayo
waxaana dhacda in gumeysigu ku dhax abuurto xubnaha jawaasiis
magaca halganka ku qadhaabta waxeyna halgan ugu jiraan sidey
cadowga sir ugu gudbin lahaayeen waana halgaamaa marka laga
eego dhanka cadowga oo wuu u halgamay in qaddiyaddiisa uu
u dhibaateeyo maslaxadda cadowga iyo tiisa gaarka ah arrintaas
waxey ka dhacdaa meel kasta oo uu halgan ka socdo gude iyo
dibad intaba.
Halgamaaga dhabta ah waa inuu ku sifoobo tilmaamaha halgamaaga
waana in arrintaas la isku waafaqsan yahay mana aha inay
shaqsiyaad gaar ah u aqoonsadaan inuu yahay halgamaa ee
waa inuu ka heysto ummaddiisa dhammaan ay u aqoonsan tahay
inuu halgamaanimo istaahilo.
Intaas waxaa noogu eg qeybtii koobaad ee barnaamijka aan
ugu magac daray Halganka & Halgamaaga. wixii talo bixin
ah fadlan noogu soo dir e-mailka qorahay99@yahoo.com
Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
Part 1
Part 2
Contact:qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online