Feb 10, (2013 (QOL)
Maanta oo bishu tahay 10 February 2013
Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria ayaa waxeey isugu
yimaadeen shirkii Bilahaahaa oo ay ka soqeyb galeen dhamaan
qeybaha kala duwan ee Jaaliyada, waxaa shirka lagu furay
ayadaha Qur’anka Karimka isla markasna waxaa laguda
galay qodabadii shirka ujeedadiisu ahayd.
Waxaa
shirka dadihinayeey gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ogadenia
ee Victoria Halgame Hikim Sheikh Abdullahi wuxuuna ugu horeyn
u mahad naqay dhamaan dadkii shirka ka soo qeyb galay, Gudoomiyuhu
wuxuu ka warbixiyay waxqabadka Jaaliyada iyo waliba halganka
huabysan ee Ogaadeenay lagu xoreynayo meeshu u maraya, halgame
Hikim wuxuu ku soo dhaweey gobta Halgame Sheikh Fatxi oo
ku soo biray Jaaliyada Victoriahorayna uga hawlgali jiray
Gobola NSW gaar ahaan Magaalad Sydney.
Halgame Sheikh Fatxi ayaa shirka wacdi aad
u qimo badan ka jediyeey oo runti dhamaan dadkii madasha
joogay ka qushuuciyeey, Jaaliyada Somalida Ogadenia ee Gobolka
Victoria ayaa nasib u heshay in uu Halgame Sheikh Fatxi
ku soo biro aadan u soo dhaweysay.
Waxaa
isna shirka ka hadlay Halgame Hasan Abdinuur (Qubi) oo kadasha
ka jeediyey tarikh kooban oo halganka Ogadenia ku saabsan,
Gudoomiya ururka OYSU ee MelbourneMarwo Luul Abbdi Moalim
ayaa shirka iyaduna kahadashay kana warbixisay waxqabka
ururka OYSU Melbourne bishii la soo dhaafay iyo kaqeyb galka
shirka guud ee Urur weynaha OYSU oo kadhici doona wadanka
Mareekanka.
Jaaliyada Soomaalida ee Victoria waxay ka
mid tahay Jaaliyadka ugu firfircoon Pacifica, isla markaasna
haben iyo maalin u taagan taageerida iyo hormarka halganka
xaqa ah ee gayigha Ogadenia gumaysiga lagaga xoreynayo.

Isku soo wada duuboo waxaa shirkii manta la
isku dhaafsaday aqoon isweydarsi iyo fikirado dhaxalgal
ah waxaana laisalgartay in lajoogteeyo dadaalka loogu jiro
hiilinta shacabka dulman ee Ogadenia wuxuuna shirku ku dhamaaday
jawi farxadeed oo aad u dagan.
Layla Abdi
Qoraxay Media
Qorahay99@yahoo.com