Warbixin: Saraakiisha CWXO oo dagaaladii u dambeeyay ee ay Tigreega ku qaadeen qiimayn ku sameeyay guulo balaadhana ka soo hooyay.

Feb 10, (2013 (QOL) Wariye Dhimbil Guure oo Warbaahinta Qorahay Media ka tirsan isla markaasna gudaha Ogaadeenya ka hawl gala ayaa soo diyaariyay warbixin kooban oo ku saabsan qiiyman ay CWXO ku sameeyeen dagaaladii ugu dambeeyay ee ay ciidamaad gumaysiga ku qaadeen sida aadka ahna u riiqeen.

Saraakiisha & hawldaweenada Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa dagaaladii ugu dambeeyay ee ay ciidamaad gumaysiga Itoobiya ku qaadeen qiimayn ku sameeyay, Saraakiisha CWXO waxay u kuur galeen dagaaladii ugu dambeeyay ee Tigreega aad loogu jabiyay & saamaynta ay dagaaladaasi gumaysiga ku yeesheen.

Qaybaha kala duwan ee CWXO ayaa dhamaan dagaaladii ay todobaadadii u dambeeyay cadowga ku qaadeen soo ururiyay waxayna cadeeyeen in ay gumaysiga jabkii abid ugu cuslaa dagaaladaas ku gaadhsiiyeen, Saraakiisha CWXO waxay baadhitaan ku sameeyeen kharaasaha cadowgu inta uu le egyahay, saamaynta ay dagaaldaasi ku yeesheen & sida ay bulshadaOgaadeenya u dareentay.

Hadaba qiimayntaas waxaa lagu ogaaday in uu gumaysigu dagaaladii u dambeeyay jab aad u culus ka dhaxlay islamarkaasna uu ciidanka Tigreegu si dhab ah u qabjabay, dagaaladaas waxaa cadowga lagaga dilay Saraakiil ay Tigreegu aad u jeclaayeen kuna dhaadan jireen & Askar boqolaal kor u dhaafaysa oo dhulka Ogaadeenya loo keenay in ay shacabka dalkiisii jooga ku dul noolaadaan dambi kastana ay kagalaan laguna dalacsiiyo.

Ciidanka gumaysiga oo asalahaan lagu ababiyay qab aan lugo ku taagnayn laguna koolkooliyo halaasi & been aan waxba kajirin ayaa in dhawaale xaqiiqsaday in ay riyo ku noolyihiin kadib markii salka & ishaba leebku kawada muday halgaaduna ay ka joogsan weyday, ciidanka gumaysigu waxay si dhab ah u baraarugeen markii lagu qasbay in ay joojiyaan isu socodka & hawlgaladii faraha badnaa ee ay dhulka miyiga ah ka fulin jireen inta badana ay dadka shacabka ah ku waxyeellayn jireen waxaana cadaatay in aysan ciidanka Tigreegu mooraal & niyad ay CWXO kaga hortagaan haynin.

Dagaaladii ugu dambeeyay ee ay CWXO askata gumaysiga Tigreega ku naafeeyeen waxaa lagu aqoonsaday awooda balaadha & tayada geesiyaasha CWXO waxaa kale oo lagu ogaaday hab nugaylka & jileeca ciidanka gumaysiga Itoobiya oo lagu maagcaabi jiray Libaaxyada Geeska Afrika maantana lahubiyay in ay Bakaylaha ka liitaan.

CWXO waxay xaqiijiyeen kalsoonida & hanka shacabka Ogaadeenya waana ciidan qaran oo shacabka Ogaadeenya uu isku halayn buuxda ku qabo mustaqba aad u lwanaagsana laga filayo, shacabka Ogaadeenya ee geesiga ah ayaa guulaha balaadhan ee ay CWXO sida joogtada ah u soo dheelmayaan u riyaaqay dibad & gudana si weyn uga soo dhaweeyay,

Qiimayntan ay Saraakiisha CWXO sameeyeen waxaa lagu soo ban dhigay cududa culus ee CWXO & tabaha cusub ee ay dagaaladii u dambeeyay ku fuliyeen cadowgana ku jabiyeen & guulo aad loogu farxo oo ay dagaladaas kagaadheen, Saarkiisha qiiyamntan samaysay waxay u hambalyeeyeen amaan & bogaadin aan la soo koobi karina u jeediyeen geesiyaasha CWXO ee dadkooda, diintooda & dalkooda dhiigooda qaaliga ah u hurey una hibeeyay sida hufana hadawga u quusiyay waxayna Saraakiishu qaybaha CWXO ku booriyeen in ay sii laban laabaan hawlgalada ay cadowga kunaafynayaan ciidda Ogaadeenyana ay gumaysiga kaga xidid siibayaan.

Sidoo kale Saraakiisha CWXO waxay amaan u soo jeediyeen guud ahaan bulshada Ogaadeenya meel ay joogtaba waxayna ugu bishaareeyeen in ay CWXO ka go'antahay gobanimo gaadhsiinta shacabka Ogaadeenya sidaas daraadeedna weerarada ay gumaysiga ku qaadayaan & gulufka dagaalka aysan dhimaynin ee ay sii kordhinayaan, Saraakiisha CWXO waxay xuseen in shacabkana looga baahanyahay in ay halgankooda is garab taagaan gumaysiga sii cadceedsanayana inta uusan ku dul bakhtiyin ay si dhaafiyaan iskana dulqaadaan.

Sikastaba ha ahaatee Saraakiisha CWXO waxay si aad ah shacabka Ogaadeenya ugu adkeeyeen kulana dardaarmeen in ay dulqaadka & samirka ay ku soo doogeen ku dhaganaadaan islamrakaasna midnimada & wada jirka aad u ilaaliyaan cadowgoodana ay halmeel uga soo jeedsadaan.

Gabaygii Maxaa lagu dambayn & Abwaanad Rooda Ibrahim A Gurey (Afjanno) halkan ka dhagayso

Dhimbil Guure
Qoraxay Media
Ogaadeenya
Qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online