Xafladii Caleema Saarka Suldaanka Guud ee Beesha Absame Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cali Sonkor ee Maanta Magaalada Dhoobley kadhacday oo Guul kusoo dhamaatay.

Feb 11, (2013 (QOL) Sida aad warkeenii hore ee Maanta kala socoteen waxaa 10-2-2013 Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose kadhacday Xaflad si aad u heer saraysa loosoo Agaasimay oo lagu Caleema saarayay Suldaankii 7aad ee Beesha Absame ee Gobolada Jubbaland oo loo Caleema saaray Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cali Sonkor.

Hadaba Xafladdan oo ahayd mid si aan caadi ahayn looga soo habeeyay ayaa waxaa kasoo qayb galay Dadweyne aad u farabadan oo ka kooban Bulshada Qaybaheeda kala gadisan, kuwaas oo aan u kala hadhin Siqiir iyo Kibiir, Dhalinyaro iyo Waayeel, Dumar iyo Ciyaal toona, kana kala yimid Dhamaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo waliba Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Xafladdan oo Bilaabatay Abbaare 9:00-kii Subaxnimo wakhtiga Geeska Afrika waxaa Khudbado kala duwan kasoo jeediyay Waxgarad farabadan oo ay kamid ahaayeen Abwaanno iyo Salaadiin Magac wayn ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan kuwa ku dhaqan Goboladda Jubbaland, waxaan Khudbadahaas kadib Goobtaas si aan Caadi ahayn loogu Caleema Saaray looguna Caano Subay Suldaan Cabdullahi Suldaan Cali Sonkor oo Badali doona Rabbi Jannatul Firdowsa ha geeyee Suldaankii hore ee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo mudo yar ka hor ku Geeriyooday Magaalada Nairobi ee Caasimada Waddanka Kenya.

Isku soowada uruuriyoo Xafladdan Maanta Suldaanka lagu Caleema Saarayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Warfidiyeeno ay kamid ahaayeen Warbaahinta Qorahay Media, Radio Kismayo, Idaacadda BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo Warbaahino Soomaaliyeed oo kale, waxayna Munaasabadii Caleema saaru kusoo dhamaatay Guul iyo Jawi farxadeed oo u xamaasad kululaa.

Noor Mohamed
Qorahay Media
Qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online