Gudoomiye ku xigeenka JWXO iyo wafdi heer sare oo ku sii jeeda magaalada Toronto.

Feb 11, (2013 (QOL) Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminaayo G/ku xigeenka Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya Mudane Maxamed Ismaaciil Cumar ayaa ka amba baxay gegida dayuuradaha
ee magaalada Edmonton maanta oo taariikhdu tahay febraayo10 iyagoo u sii jeeda magaalada Toronto ee gobolka Ontario.

Gudoomiye ku xigeenka waxaa socdaalkiisa ku wehelinayey isuduwaha jaaliyadaha Canada Yuusuf Maxamed ,intii uu joogay gobolka Alberta wuxuu ku qabtay shirar fara badan oo uu la yeelanayey qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida Ogaadeeniya iyo wax garadka soomaaliyeedba.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu shiraar ku qaban doonaa magaalada Toronto kaas oo daba socda socdaalkiisii uu ku marayey Jaaliyada North Ameerika isagoo shirar ku soo qabtay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalooyinka Minnesota Sen diego , Denver iyo gobolka Alberta ee dalka Canada magaalada Edmonton kaas oo looga golahaa abaabul ku wajahan jaaliyadaha iyo shacbweynaha Soomaalida Ogaadeeniya ee ku dhaqan dalalkaa.

Qorahay Media
C/raxmaan ,Edmonton
Canada
Qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online