Feb 11, (2013 (QOL)
Xaflad si weyn loo so agaasimay ayaa shalay
galab ka bilaabatay Garonka weyn ee ku yaalo Magalada Johannesburg,
Xafladan oo aheyd mid lagu soo gabagabaynayay koobka Qaramada
Afrika oo sanadkaan ay marti galinaysay wadankan South Africa
Xafladan oo aheyd Xaflad aad u qurux badan ayaa waxa ka
soo qayb galay Madaxweynayaal Afrikaan ah iyo madax ka socotay
dhanka isboortiga oo uu hogaaminayo Madaxweynaha VIVA Sibilate.

Xafladii aad ka u quruxda badnayd oo lagu
soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Afrikaanka oo indhaha
calamka oo dhan soo jiidatay ayaa lagu soo bandhigay Garoonka
lagu soo xirayay ciyaarahan African Cup of Nations.

Ciyaartan oo ahayd Finalka Koobka ayaa garoonka waxa soo
galay labada wadan ee Finalka iskugu soo baxay kuwaas oo
kala ah Nigeria Vs Burkina Faso Garoonka markii ay soo galeen
ayaa wadan walba waxa loo qaday Heestii calankooda labada
wadanba kadib waxa bilaabatay ciyaartii finalka koobka.

Hadaba labada wadan oo mid walba aaminsana in uu koobkan
gurigooda gaysan doono ayaa ciyaarta markii ay maraysay
wareegii hore daqiiqadii 40 tanaad waxaa gool aad u qurux
badan xulka Qaranak Nigeria u dhaliyay laacibkooda lagu
magacabo S.Mba, Goolkan ayaa waxa uu noqday goolkii ay ku
qadeen Koobka wadanka Nigeria markii ay da daal badan oo
werar ah sameyeen xulka Burkina Faso halka Nigeria ay difacanaysay
goolkeda wakhtigii logu tala galay ciyaarta ayaa waxa ay
ku soo gaba gabowday Nigeria 1-0 Burkina Faso waxana koobkii
la gudoonsiyay Xulka Qaranka Nigeria oo aad ugu faraxsanaa
Guusha ay ka keeneen African cup of nations, waxa shashadaha
calamka oo dhan ka muuqday Wadanka Nigeria oo shaashado
waa weyn loogu xiray darbiyada halkaas oo ay kala socdeen
ciyaarta guushana ay ku qadeen , wadanka Nigeria aya ugu
danbaysay Koobkan oo ay qadaan sanadka markuu ahaa 1995
tii, isku soo wada duuboo wadanka Burkina Faso oo wadama
badan oo ay ka mid yihiin Mali,Ghana iyo Ethiopia soo reebay
ayaa nasiibka u sacidi wayay in ay kobka Hantaan.

Dhanka kale Doraad ayaa waxa loo tartamay Kaalinta sadaxaad
ee African Cup of Nations waxana u tartamay labada wadan
ee kala ah Mali Vs Ghana waxana guusha ay ku raacday oo
kalinta sadaxaad galay wdanka Mali oo ku badiyay sadax iyo
eber halka Ghana ay heshay hal gool oo kaliya Mali 3-1 Ghana.

Ciyaarihii African Cup of Nation oo sanadkan ay marti galinaysay
wadanka South Africa ayaa waxa uu ku soo gabagaboobay jawi
aad u wanagsan.

Oogle Yare
Qorahey Media
Cape Town, South Africa
Sports CAF
Qorahay99@yahoo.com