Baaqa Gudigga Illaalinta Xuquuq Isnaanka Barlamaanka Soo Dhoweeyn Mudan.

Feb 11, (2013 (QOL) Dhaqa-dhaqaaqa Somaaliyeed nabada,midnimada iyo cadaaladda codka cadaalada,xaq soor iyo garsoor,codka somaalida damiirka iyo dareenka wadaniyadeed(Diintooda,dalkooda iyo karaamadooda) waxaanu si diiraan u soo dhoweeyneeynaa baaqa masuuliyada iyo dadnimadda ku saleeysan kuna wajahan xukunkii xaaraanta ahaa ee Dhowoon maxkamadda G/Banaadir ku xidey Weriye Koronto iyo Murwo Luul oo hore Askan ka tirsan ciidanka Poliiska Somaliyeed kufsashougeeysteen (Qaarkood qaraabonimo la-lahayeen masuliinta qaranka qaarkood,xukunkaas ayaa loo adeegsade awooda dowladeed baaqaas ka soo yeeray Gudigga Illaalinta Xaquuq Insaanka Golaha Barlamaanka Somaaliyeed mid ku soo aaday waqtigii ka haboonaa.

Shaki kuma jiro in qaabkii xukunkaas u dhawacy oo ahaa hab dulmi iyo xaaraan cad ah loguna xuquuq duudsinaayaan marwo somaaliyeed fal dembiyeed diin ahaa,dhaqan iyo nidaam ahaanba dembigii dusha laga saaro awooda maxkamadda,hanaanka xeer-illaalinta iyo magaca maxdaxda qaranka lagu majara habaabiyo garsoor iyo xaq soorka waa arrin ayaan daradeeda leh kana dhigeeysa dhaartii RAXMAANKA laguma maraayeen waxba kama jiraan iyo been ka sheegid abaantii Allah(ayaan darro)runtiina waxaa ahamiyadiisa leh qodobadda ku qeexaan baaqa gudiggaas oo si cad oo geesinimo leh u tilmaamay in Dulmane-Marwo Luul xaal mariin iyo xurmo marinba la siiyo, sidoo kale weriye dulmane-Koronto raali gelin rasmi ah la siiyo waana qodobo caqligu soo dhoweeynaayo cidii damiir nool leh si geesinimo leh u qaadan kareeyso ceebta taariikhdiga ahni qeyb ka mid ahi kama ka tirmeeyso (Garsoorka,Boliiska iyo Madaxdda-ba).

Sidoo kale waxaa soo dhoweeyn iyo la duubni-ba mudan hadalka gudoomiyaha Xisbiga Nabadda Dr-C/Laahi Sh.Xassan oo si dadnimo leh uga gilgishay xukunkaas xaaraanta ahaa kuna baaqay dib u eegida go'aankaas,balse waxaa ayaan daradeeda leh aamuska:- Culimaa-udiinka Somaaliyeed,Golaha Odayaasha dhaqanka Muqdisho, Ururka Haweenka Somaliyeed,Jaaliyada Qurba Jooga ah iyo bulshda Gobolka Banaadir,sidii aanu hore u tilmaanay go'aanka dacmadaas waa ceeb,dhaawac,sharaf iyo astaan mugdigeeda leh shaabab iftiin dheer u ah cadaaladda iyo garsoorka Somaaliyeed(hadii garasho iyo masuliyad qaran jirto waa eey xilka waayaan guud ahaanba intii ka qeyb qaadatay xukunkaas xaaraanta ah).

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)
-Afhayeenka Guud:-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Feb-12-2013.

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online