Feb 12, (2013 (QOL)
Madaxa Hogaanka Arimaha Dibadaee Jabahadda
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) ayaa siwayn loogu soo
dhaweeyay magaalada xarunta ganacsigaEe Johannesburg, wadanka
Koonfur Afrika Mas'uulkan ayaa maalmahan hawlo kormeer kujoogay
wadankaKoonfur Afrika wuxuuna kulamo la layeeshay Mas'uuliyiinta
Jaaliyada Ogaadeenya ee Koonfur Afrika.

Mas'uulka ayaa siwaafi ah uga maqsuuday warbixinta
jaaliyada isla markaana bogaadiyay hawlaha halganka ee ay
jaaliyadu kawado wadanka Koonfur Afrika wuxuuna la kulmay
hawlwadeenada JOKA ee gobolka Gauteng (Qawtayn) wuxuuna
warbixin waafi ah kajeediyay shirkaas, warbixintaas ayaa
ku jawahnayd halganaka taariikhiga ah ee uu kujiro shacabka
Soomaalida Ogaadeeniya.

Mudane Maadey oo kamid ah aas-aasayaashi Ururka
ONLF oo lagu unkay gudaha Jamhuuriyada Soomaaliya 15/08/1984
ayaa kawar bixiyay maraaxishii uu halganku soo karay wuxuuna
xusay in halganaka shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu galay
waji cusub oo inbadan la higsanayay taas oo uu kutilmaamay
in lagu gaadhay idimka Alle SWT & adkaysiga shacabka
Soomaalida Ogaadeenya, Mudane Maadey wuxuu xaqiijiyay in
Ciiddanka Jabahadda Waddaniga Xoreynta ee jiida hore ay
quusiyeen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee Ogaadeenya ku
sugan oo uu sheegay in ay aad u daalan yihiin mooraalna
aysan lahayni.

Warbixintaas oo aad loo xiisaynayay kadib
waxaa Mas'uulka lawaydiiyay su'aalo muhiim ah oo dhamaantood
uu si waafi ah uga jawaabay, shirkan oo socday 4 saaacadood
ayaa ahaa mid ay dadkii ka soo qayb galay aad ugu bogeen
wuxuuna ku soo dhamaaday guul & rayn rayn, MudaneMaadey
ayaa la filayaa inuu booqashadiisa Waddanka Koonfur Afrika
sii wadan doono kulamona uu la qaadan doono qaybaha kala
duwan ee Bulshada hadii uu Alle idmo. Socdaalka Mudane Maaday
& wixii dambe ee ka soo kordha Qorahay Media kala soco.


Gumaysidiid
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com