Feb 12, (2013 (QOL)
Warabaahinta Qorahay ayaa maanta suáalo
waydiisay dad shacab ah oo ku sugan magaaladda JigJiga dadkaas
oo isugu jira siyaasiyeen, Aqoonyahan, Arday & Dad ganacsadaal
ah kuwaas oo ku sugan magaalada JigJiga. Arimo la xidhidha
dhanka Amniga ayaan suurtoobaynin in aan idiin sheegno magacyada
dadkaas anaga oo u balan qaadnay in anaan soo bandhigaynin
magacyadooda.
Suáalo
kala duwan ayaan dadka waydiinay kuwaas oo isugu jira xaalada
Ogaadeenya dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacayay Gudaha
Ogaadeenya kaas oo u dhexeeyay Ciidanka Waddaniga Xoreynta
Ogaadeenya & Askarta Gumaysiga Itoobiya anaga oo dadka
aan suáalaha waydiinay noo qireen in ay maalmihii
ugu dambeeyay dagaalo aad u badan ka dheceen guud ahaan
Ogaadeenya kuwaas oo jab & dhibaatooyin aad u badan
loogu gaystay ciidamada Itoobiya oo qaar kamid ah dhulka
baadiyaha ah ku doontay CWXO kadibna dagaalo la galeen.
Mid kamid ah dadkii aan waraysanayanay ayaa
sheegay in uu jiro isbadal xoogan oo laga dareemayo guud
ahaanba dhulka ayaga oo arinta aad laysu waydiinayo tahay
ONLF waxay u xoogsheegatay Askarata Itoobiyaanka ah ee aan
dhulka garanaynin kuwaas oo qaarkood la siiyay xog aan sax
ahayn ayaga oo si xun loogu jabiyay dagaaladii ugu dambaysay
kuwaas oo ay ku waayeen saraakiil ay ku dhaadan jireen.
Magaalada JigJiga ayaa dadka ku sugan waxay
u yaqaanaan Abdi Iley "Yax-Yax soo taagan"
waxayna ugu bixiyeen indha adaygiisa ayaga oo la
arko ceebta & fadeexada Itoobiya ku dhacaysa ayuu been
& maaweelo la wada arku ku dhawaaqayaan maalin walba.
Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa hadda si weyn
u arka waxaana magaalada maalmihii ugu dambeeyay yimid saraakiil
wayaane ah oo u socday in ay qiimaynayaa Ina Iley ayaga
oo ku qiimaynaya beentii ahayd waanu soo afjaraynaa taas
oo si kale ku noqotay waxaana la sheegayaa in ay ku canaanteen
in uusan waxba ka qaban karin xaaladu taagan. Samoro ayaa
ku edeyay Ina Iley in uu yahay shaqsi aan waxba qaban karin
isaga oo sheegay in ay kooxdii Hawaarinta ahayd ee ay soo
taba bareen hubkodii u gaynaya CWXO ayaga oo dagaalo ay
galeena si weyn loogu jabiyay.
Meles ayaa horaan ku yidhi Ina Iley waan ognahay
waxa jira oo dhan ee ha isku dayin in aad anaga wax aan
jirin noo sheegto arintaas oo dhamaan saraakiisha wayaanuhu
ka wada dharagsan yihiin ayuu maalinba qorshe horleh u shegaa
waxaase ugu yaab badnayd markii uu yidhi mudo 3 Bilood ayaan
ku tir-tiraynaa ONLF ee isagii lagu tir-tiray kooxdii hawaarinta
ahaydna noqdeen hal dhuma & haldhaan raaca waxaana goosadkooda
lagu shegaa gobalada Soomaaliya ayaga oo aad isu qarinaya.
Samoro ayaa ugu hanjabay in uu ku sii daynayo
ninka booskii Meles badalay Hailemariam Desalegn kaas oo
horaan qoray qoraalkii uu kaga qaadayay wakiilnimada kaas
oo ay saraakiisha Wayaanuhu dideen ayaga oo u arkayay in
uu danahoodo si dhaga nugul u fuliyo isaga oo dhanka kalena
dhaqaale ku laaluusha Askarata Wayaanaha ah dhaqaalaahas
oo uu ka qaado qaar kamid ah ganacsadyaasha & xawaaladaha
Soomaaliyeed.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com