Feb 12, (2013 (QOL)
Sida lagu sheegay war murtiyeed laga soo
saaray aqalka cad ee wadanka Mareykanka waxaa Izrael booqasho
ku tagi doona bisha soo socota 21keeda madaxweyne Barack
Obama iyo wafdi uu hogaaminayo.
Booqashada
madaxweynaha waxaa la filayaa in diiradda lagu saari doono
arimo dhawr ah oo ay kamid yihiin arrinta Syria Nucliyerka
Iiraan iyo soo celinta wada hadalladii nabadeed ee Falastiin
iyo Izrael. Madaxweyne Obama waa markii ugu horeysey ee
uu booqdo Izrael tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimo
sannaddi 2008dii.
Obama ayaa bilihii ugu danbeeyey waxey si
xun isugu dhaceen Raiizul wasaaraha Yuhuudda Binyamiin Natenyahuu
oo isagu si cad u taageeray ninkey Obama tartamayeen xiligii
doorashada Mareykanka Mut Romny
Obama ayaa intaas kadib hadallo kulul saxaafadda u mariyey
Natenyahuu isagoo marar ku tilmaamay hogaamiye fulay ah.
Khilaafaadka labada masuul ayaa la filayaa
in la isla soo qaado inta kulanku socdo waxaana sidoo kale
la filayaa in dowladda Mareykanku farriin adag u diri doonto
Izrael si ay u aqbasho in xal waara laga gaadho qaddiyadda
Falastiin oo ah dhibaato muddo dheer soo jiitantey.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com