Feb 13, (2013 (QOL)
Inaalilaahi wa innaa ilayhi raajucuun Jaaliyaadka
Soomaalida Ogadenia ee Waqooyiga America (West Coast) ayaa
waxay tacsi u dirayaan Reer Sheikh Cabdi Sheikh Axmed
Reer Carab Afey, Reer Cadhays Xirsi Cawl, dhamaan eheladii
iyo qaraabadii ay ka baxday Marxuumad Faadumo Sheikh Cabdi
Sheikh Axmed oo maalintii talaadada (12/02/2013) Magaalada
Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyootay.
Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu marxuumada Jannatul Fardowsa
ka waraabiyo, qabrigana u waasiciyo intii ay ifka kaga tagtayna
uu samir iyo imaan siiyo Amiin Amiin Amiin!!!.
Jaaliyada Ogaadeenya ee Waqooyiga America (West Coast)
______________________________________________
Bahda Qorahay Media waxay tacsi taas lamid ah u dirayaan
dhamaan eheladii ay marxuumad Faadumo ka babaxday, bahad
QM waxay si gaar ah ugu caruurtii ay Marxuumadu ifka kaga
tagtay oo uu ugu horeeyo Cabdinasir Xirsi Axmed (Gaanni)
waxayna Alle uga rajaynayaan in uu samir khayr qaba wada
siiyo Marxuumadana uu qabriga u waasiciyo.
Waxaa iyaguna tacsidan diraya dad farobadan oo ay kamid
yihiin Mudane Cabdiqadir Sheikh Xassan Hiirmooge (Caddani),
Maxamed Ibrahim Mursal, Assad Cabdullahi Cumar, Nuur Maxamuud
Carab, Rooda Ibrahim C. Gurey (Afjanno), Masbal Daahir Xassan
iyo Cibado Daahir Xassan.Dhamaan dadkaasi waxay leeyihiin
rabbi samir khay qaba ha ina siiyo Marxuumadana Allah waxay
ugu rajaynayaan in uu u naxariisto Amiin Amiin Amiin.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com