Feb 13, (2013 (QOL)
War hadda na soo gaadhay ayaa sheegaya ganacsato reer Godey
ah oo ay ciidamada gumaysiga Itoobiya & wakiiladoodu
duleedka Magaalada Godey ku boobeen, dadkan laboobay ayaa
ahaa ganacatada yaryar ee Magaalooyinka Godey & Qallafe
ka dhex ganacsada waxaana xiliga la boobayay u rarnaa Gaadhi-Dameero
waxayna ka yimaadeen dhinaca Magaalaad Qallafe waxayna ku
sii jeedeen Magaalada Godey.
Warkan oo aanu ka helay ilo xog ogaal ah ayaa
sheegaya in ganacsatadaas ay ciidamaad gumaysiga & wakiiladoodu
ka koobnaa 15 Gaadhi Dameer (Karayto) rarkii sarraa oo ahaa
badeecooyin kala duwan gabi ahaana ay hantidii ganacsatadaas
cadowgu lawareegeen dadkii lahaana iyagoo faro madow ay
Godey yimaadeen.
Boobka noocan ah ayaa dhulka Ogaadeenya joogto
ka ah waana arin aan gudaha Ogaadeenya layaab ka ahayn waxaana
shacbak loogaystaa dhibaatooyin aad u faro badan oo ay ka
mid yihiin jidhdilka, gawraca, baro kicinta, xabsiga &
faro xumaynta duamrka lagula kaco oo intaba Askarta gumaysiga
xaq loo siiyay xili kastana ay gaysan karaan.
Si kastaba haahaatee dhibaatooyinka faraha
badan ee shacabka Ogaadeenya loo gaysto waxaa in badan oo
ka mid ah fukliyay wakiilada gumaysiga ee maamul ku sheega
ku magacaaban & Hawaarinta oo u badan dhalin yaro aan
xiskoodu hagaagsanayn oo loo carbiyay hab dad qalnimo ah
isla markaasna ay naxariistu ka guurtay.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com