Feb 13, (2013 (QOL)
Dagaal aad u xoogbana ayaa maanta ka dhacay meesha loo yaqaano
Ceel-Caabi oo u dhow Wariyar kana tirsan gobalka Qorahay
sida uu ku soo waramayo Wariyaha Qorahay Media ee gudaha
Ogaadeenya
maanta 11:00 subaxnimo xiliga Afrikada Bari ayay Ciiddanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya weerar culus ku ekeeyeen ciidaka
gumaysiga Itoobiyaan oo halkaas marayay waxayna wararku
nagu soo gaadhayaa in ay CWXO weerar qorshaysay ku qadeen.
Warkan oo hor dhac ah laguma faahfaahinin
khasaaraha dhabta ah eedagaalkaas kadhashay waxaase la sheegaya
in ay ciidanka Itoobiya dhibaato badani dagaalkaas kasoogaadhay
islamarkaasna ay firxadkoodii dib u labteen Magalada Qabridahare
oo ay markii hore ka soo baxeen.
CWXO ayaa qorshaha dagaalka ayagu dajiyay
ciidanka weerarka qaadayna wuxuu ahaa ciidan si weyn uga
war hayay meelaha ay Askarta gumaysigu soo marayeen sidaas
daraadeedna waxay u u galeen oo halkauu gadaalkaasu ka dhacay.
Shalay ayay ahayd markii ay CWXO laba babuur
ku gubeen isla degaanka waxaana la sheegayaa in ciidanka
gumaysiga ee maanta la weeraray ay ku adkaatay in ay baabuur
ku baxaaan waxayn, werarada lagu bartilmaa medsanayo askara
gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan ka socda waxaana
si weyn loo hakiyay dhamaan gaadiidkii ciidanka ahaa ee
gobalada Ogaadeenya isu kala gooshi jiray kuwaas oo inta
badan wada saadka ciidanka gumaysiga Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee dagaalada ka dhacay
gudaha Ogaadeenya ayaa marba marka ka da,baysa sii kordhaya
n sida ay xaqiijinayaan Wariayasha Qorahay Media ee gudaha
Ogaadeenya ku sugan dagaaladaas oo maalin walba dhaca waxaana
la sheegaya in CWXO weerarada ay qaadayaan ay ciidamada
acdowga acbsi weyn ku abuureen.
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com