Feb 13, (2013 (QOL)
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Shilaabo ayaa sheegaya
maalmihii u dambeeyay in ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
halkaas kaween dhaq-dhaqaaq xoolo uruurin ah oo ay ka Tuulooyinka
ku hareeraysan magaalada Shilaabo shacbka ku dhaqn qasab
kagaqaadayaan.
Waxay
Ciidanka gumaysiga Itoobiya maalmihii u dambeeyay dadka
shacabka ah ee dagan Tuulooyinkaas amar ku siinayeen in
ay bixiyaan xoolo aad u badan oo aysan awoodin waxayna sida
la sheegayo dadka ku qoreen lacago aad u badan, qaar ka
mid ah Tuulooyinkaas shacabkadagan waxay ku qoreen lacag
dhan 120,000 (Boqol & labaatan kun oo bir) halka tuulooyinka
qaarna ay ku qoreen 60,000 (Lixdan kun oo bir) waxaana shacabka
loo sheegay in ay xili dhow ku bixiyaan lacagtaas.
Arintan dadka lagu qasbayo lacag aysan awoodin
ayay cabsi weyn ku abuurtay dadka dagan tuulooyinkaas oo
aan haba yaraateen awoodin in ay bixiyaan xoolahaas, shacab
oo xili Jiilaal ah diraac kululinaay bilaabatay ku jira
una baahan in la caawiyo ayay ciidamada gumaysigu dulaan
ku qadeen dadkaas nugulka ah ee aan wax dhaqaale ah awoodin.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gabi ahaanba
la joojiyay dhaqaalihii kooxda Hawaarinta ay Itoobiya siin
jirtay waxaana la sheegaya in ay Askarta Wayaanuhu goáan
ku gadheen in dadka laga qaado dhale mana jirto wax gorgortan
ah ee waa qasab in ay bixiyaan qofkii bixin waayana waxay
ugu hanjabeen in ay talaabo ka qaadayaan oo dambiyo uusan
lahan dusha loo saarayo.
Maha markii ugu horaysay ee ay Askarta gumaysiga
Itoobiya xoog ku qataan xoolaha shacabka Ogaadeenya taasina
waxay dhaqan u tahay gumaysiga soo jireenka ah ee umada
Ogaadeenya dulsaaran waana mida keentay in ay umadu dadaalu
gasho sidii ay isticmaarka isaga dul qaadi lahayd.
Wariyaasha Qorahay Media oo qiimayn sameeyay
ayaa sheegay in ay dhaqaalo xumo aad u badan soo wajahday
Askarta Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya waxaana la sheegay
in mushaar laáan ay baryahan dambe Askarta gumaysiga
la soo daristay sidaas daraadeedan loo xalaaleeyay xoolaha
dadka shacabka ah oo ay xoog ku booba haddana amar ku soo
rogay in ay waajib kaga dhigaan in ay xoolo keenaan.
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com