Gudoomiyaha Baaralmaanka Soomaaliya Prof: Mohamed Sheikh Jawaari & wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Magaalada Addas Ababa caasimaad gumaysiga Itoobiya.

Feb 13, (2013 (QOL) Idaacada afka Dowlada dhexe ee Soomaaliya ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa maanta baahisay war sheegayay in Gudoomiyahii Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Mohamed Sheikh Jawaari iyo Wafdi uu hogaaminayo u dhoofeen Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Gumaysiga Ethiopia kadib Casuumaad lasheegay inuu u soo diray dhigiisa Dalkaasi.

Gudoomiye Mohamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ay Safarkiisa ku weheliyeen Xubno kale oo Baarlamaanka Soomaaliyeed katirsan ayaa lasheegayaa inuu Magaaladaasi Addis kulan kula qaadan doono dhigiisa Ethiopia oo isagu Casuumaad usoo diray Mudane Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanta Soomaaliyeed Prof: Mohamed Sheekh Cismaan ( Jawaari ) oo xiliguu dalka ka dhoofayay kula hadlay Saxaafada Giroonka Diyaaradaha Aden Adde International Airport ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu Safarkoodu ku saabsan yahay Kulamo ay lawadaagi doonaan Madaxda Baarlamaanka Gumaysiga Ethiopia iyo inay kawada hadli doonaan sidii ay Baarlaanada labada dal wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen, waa sida ay warbaahinta Radio Muqdisho baahisaye.

Isku soowada Uruuriyoo Wafdiga uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari hogaaminayay ayaa waxaa Giroonka Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Madax Soomaaliyeed oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro.

Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online