Feb 13, (2013 (QOL)
War hadda soo gaadhahaya qaybta war qabadka ee warbaahinta
Qorahay Media ayaa sheegaya dagaal xoogan oo shalay galinkii
danabe ka dhcay meesha loo yaqaano Maygaag-Wayne oo Gobolka
Nogob ka mid ah Magaalada Fiiq-na 30 km u jirta, dagaalkan
ayaa u dhaxeeyay Ciiddanka Waddaniga Xoreynta Ogaadenya
& kuwa gumaysiga oo isugu jiray Askarta Tigreega &
dhidid dhawrkooda xabada looga dhigo ee (Hawaarin).
Dagaalkan
oo ahaa mid ay CWXO sihufan u qorsheeyeen waxaa gumaysiga
lagaga dilay 12 askari waxaana lagaga dhaawacay 19 kale,
mar aan khadka is gaadhsiinta kula xidhiidhnay Taliyaha
qaybta Hanqadh ee CWXO ayuu noo xaqiijiyay in dagaalkaas
ciidanka gumaysiag lagu jabiayay.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in dhaawacii
ciidanka gumaysiga Tigreega la geeyay Magaalada Harar halka
kuwii Hawaarinta Baabili lagu daadiyay loona diiday in loo
gudbiyo Isbitaal kuyaala Magaalada Harar ee ciidamada Tigreega
lageeyay.
Ma aha markii koobaad ee ciidamaad gumaysiga & dhdid
dhawrkooda cagta lamariyo laguna jabiyo dagaalada khadhaadh
ee ay lagalaan N/hurayaasha CWXO waxa si maalin le ah loo
weeraraa fadhiisimadaay ciidamada gumaysigu ku suganyihiin
sidoo kale CWXO waxaa weeraro qprshaysan ku hafiyaan meel
kasta oo ay kaga war helaan ciidankagumaysiga & dhidid
dhawrkooda (Hawaarinta).
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com