Feb 13, (2013 (QOL)
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada
Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inuu Maanta Magaaladaasi
Muqdisho ku geeriyooday Gudoomiyahii Ururka Ahlu-Sunna Waljameeca
ee Gobolada dhexe ee Soomaaliya ka dagaalama Alle ha u naxariistee
Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow kadib xanuun kadis ah oo habeenkii
hore ku soo booday.
Wasiirka
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/kariim
Xuseen Guuleed ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeey
Geerida ku timid Gudoomiye Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow
Gudomiyahii Ururka ASWJ.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariim
Xussein ayaa intaasi ku daray in Gudoomiyaha xalay geeriyooday
Sheekh Maxamed Xeefoow uu qabtay xanuun kadis ah Kaas oo
sababay inuu si dhakhso ah u geeriyoodo Gudoomiyahu.
Mudane C/kariim Xusseen Guuleed oo Warbaahinta Dowlada
la hadlayay ayaa sheegay in markuu xanuunsaday Sheekhu uu
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud
Amar ku bixiyay in si deg-deg ah Caafimaad dalka dibadiisa
ah loogu diro Gudoomiyaha balse Diyaaradii qaadi lahayd
oo dhexda kusoo jirta uu Marxuumku Geeriyooday.
Isku soowada Uruuriyoo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Qaranka Soomaaliya ayaa waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u diray
Eheladii iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay
Alle ha u naxariistee Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo ahaa
Gudoomiyahii Urur Diimeedka Ahlu-sunna Waljameeca ee dalka
Soomaaliya, waxuuna wasiirku tilmaamay inuu marxuumku ahaa
nin aad u wanaagsan oo Soomaali oo dhan kabaxay lana tabi
doono.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com