Barnaamijka Halgan iyo Halgamaa Q2

Feb 13, (2013 (QOL) Barnaamijka halgan iyo halgamaa waxaanu maanta ku soo qaadaneynaa qeybtiisa labaad qormo aan ugu magac darnay

Waa Maxaa Doorka Halgaaga ee Halganka Ogaadeenya?

Halgamaagu waa midhaha laga dhaxlay halgamadii dheeraa ee wadankeenu soo maray waxaana si sahlan u abuurmay jiilal halganka si wanaagsan u fahamsan oo qaddiyadooda dayowga kale ka iibin kara waana waxyaabaha shacabkeenu nasiibka u helay ee aaney dadyow badan helin.

Halgamaaga dhabta ahu waxa uu leeyahay sifooyin ama tilmaamo hal beeg u ah kuwaas oo ah miisaanka lagu cabiro waxa qofku yahay iyo waxa uu xambaarsan yahay, tilmaamaha halgamaaga waxaa kamidah inuu leeyahay (HAN SARE) waana midda keentay inuu ku muteysto magaca halgamaa.

Marka aanu han sare leenahay waxaan ka wadnaa waxa uu doonayaa meel sare mana eego hareeraha oo hadafkiisa ayuu ka midha dhaliyaa hadafkaas waa inuu dalkiisa xoreeyo inuu shacabkiisa daryeelo inuu dowlad sameysto iyo qaar kale , Halgamaagu wuxuu u maraa hadafkiisa meel walba wuxuuna u huraa wax walba oo uu isleeyahay waad ku gaadhi kartaa oo ay ugu horeyso naftaiisa maalkiisa iyo waqtigiisa

Halgamaagu ma eego caqabadaha ee waxa uu eegaa aayaha danbe iyo taariikhda wanaagsan

Wuxuuna aaminsan yahay inuu maalin un gaadhi doono guusha kama danbeysta ah wuxuu sidoo kale isku qanciyaa inuu xammilo dhibaato walba oo ku soo gaadha wadadaas umana aaba yeeelo caqabadaha ka hor imaanaya.

Halgamaaga maxaa ka reebban?

Halgamaaga waxaa ka reeban hadduu ku dhacana uu waayayaa naaneysta halgamaanimo qabyaaladda qabyaaladdu waa inuu halgamaagu dadkiisa kala jecleysto ama uu qabiilkiisa ka door bido walaalihiisa halganka ee kale noocey dooniba ha ahaatee

Sifadaas xunta ah halgamaagiiiska helo waa inuu ogaadaa inaanu halgamaa aheyn ee uu ka been sheegayo halgamaanimada waxaana qasab ah in halgamaagu isaga ilaaliyo sida kansarka oo kale, sidoo kale Waxaa kamid ah waxyaabaha halgamaaga ka reebban khiyaamada

Khiyaamadu waxey dhaawacdaa sifada halgamaanimada waana ka mamnuuc halgamaagu inuu la yimaaddo wax lagu tilmaami karo khiyaamo, khiyaamadu waxey noqon kartaa mid shaqsi iyo mid qaran labaduba mid kastana waa xaaraam waana waxyaabaha ilaah nooga digay la imaanshaheeda.

Dadka halganka ku wada jira ee fuyrinta dagaalka jooga haddey qeybu dhimato iyagoo qorshahooda u dagaalamaya lama ogola inay qeybta kale ka laabtaan qorshahaas ama ay u leexiyaan meel aan aheyn halkii loogu tala galay.

Maantana halkaas ha inoo joogto waa inoo qeybaha danbe haddii alle idmo

Daljir Keyd
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online