Ururka Haweenka Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa oo kulan Muhiima isuguyimid.

Feb 16, (2013 (QOL) Ururka Haweenka Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa isugu yimid kulan muhiima oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka & Hooyooyinka Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Port Elizabeth ee Xarunta Gobolka Eastern Cape gaarahaan xaafada Uitenhage ee ay Somalidu ku badan tahay ayaa ahaa kulan looga hadlaayay Qadiyada Somalida Ogadeniya & Sidii loosii xoojin lahaa kaalin uu Ururka Haweenku kaga jirro halganka ay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) hogaaminayso , Abaabulka bulshada & doorka uu kuleeyahay Ururka Haweenku Qadiyada Ogadeniya.

Kulankan oo uu soo qaban qaa biyay Ururka Haweenka & Hooyooyinka Somalida Ogadeniya ee South Africa ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Xubnaha Ururka Haweenak ee ka hawlgala nawaaxiga magaalada Port Elizabeth (PE) & Masuuliyiin ka socday maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa & Marti sharaf kale
Waxaa Kulanka furay Faadumo Daahir oo ah Xubin ka tirsan Ururka Haweenka waxayna kusoo dhawaysay Codbaahiyaha Halgame Daahir Axmed (Cadde) oo ah masuul ka mida masuuliyiinta Jaaliyada Ogadeniya ee (JOKA) wuxuuna goobta uu Kulanku ka dhacay ka soo Jeediyay warbixin aad u dherayd oo meelo badan taabanaysay.

Waxaa kale oo madasha ka hadlay Masuuliyiin kale & Xubno farabadan oo dhamaan tood siwaafaya uga dooday Fikirkooda islamarkaana isla qaatay dhamaan qodobadii Kulanka looga hadlaayay Xubnihii Kulanka isugu yimid oo ay wajiyadooda ka muuqatay qiiro & shucuur wadaniyadeed ayaa waxaa Hooyooyinka hadala dooda ka mid ahaa.

( waxaa Halganka Dhisay Hooyooyin hadana waxaa wada Hooyooyin waana sii wadi doonaa intaan Xoriyada Ogadeniya gaadhayno waxaanuna diyaar unahay inaanu Qadiyada Ogadeniya Caalamka Gaadhsiino hadaanahay Hooyooyinka Somalida Ogadeniya waanu ka xunahay Xasuuqa & gumaadka laguhayo shacabkanaga)

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Ururka Haweenka & Hooyooyinku Kulan noocanookale ah isugu yimaado iyaga oo ku muujinaaya dareenkooda ay ku diidan yihiin ama ay kaga soo horjeedaan Gumeysiga Itoobiya

Xayi Yare
Qorahay Media
Port Elizabeth
South Africa
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online