Dhacdo la yaab leh oo ka dhacday dalka Aljeria

Feb 16, (2013 (QOL) Waxaa maanta ay ka hadlayaan gabi ahaanba wargeysyada dalka aljeriya dhacdo aad loola yaabay oo shalay ka dhacday wadankaas, dhacdadan la yaabka leh ayaa aheyd mid timid kadib markii haweeney labo habeen meyd ahaan loogu hayey isbitaalka ay qabriga dhaxdiisa ku soo miyirsatay taas oo keentay in tacsidii isu badashay dabaal dag.

Sida lagu soo qoray maanta sabtida ah wargeyska (al shuruuq) ee jazaair ka soo baxa waxey dhacdadan ayaa ka dhacday tuulo bariga dalkaas ku taalla oo la yidhaahdo maxmal oo katirsan gobolka xanshalah oo bari ka xiga caasimadda jazaair in ku dhow 450 km.

Tafaasiisha dhacdadan ayaa aheyd haweeneydu waxey ku geeriyootay sida la shaaciyey Isbitaalka maalinimadii khamiista kadibna waxaa loo diyaariyey qabrigii waxaa lagu tukadey jinaazadeeda masjid ka weyn ee tuulada oo al xayi la yidhaahdo salaaddii jimcaha kadib waxaa la geeyey qabrigii si loogu aaso iyadoo ay galbinayaan ehelkeeda iyo saaxiibadeedi ay dariska ahaayeen.

Waxaa la galiyey qabrigii gaar ahaan iilka ayaa la jiifiyey waxaa laga furay kafankii si loo banneeyo dhabankeeda kadibna dhulka loogu dhigo sida shareecadu qabto, waxey kala qaaday indhaha waaney soo neef celisay wadaadkii bud dhigayey ayaana arkay oo ku war galiyey dadkii in haweeneydu nooshahay markuu hadalkaas afkiisa ka soo saaray ayey dadkii goobta taagnaa qaarkood cagaha wax ka dayeen halka qaarkii soo hadhayna ay haweeneydi u qaadeen gurigeedi iyadoo loo geeyey caruurteedi oo ilaa habeen hore ku tirinayey reer aakharaad waxaana bilaabatay dabaal dag iyo damaashaad kaas oo ilaa maanta socdonaya

Daljir Keyd
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online