Feb 17, (2013 (QOL)
Waxaa maanta shir ugu soo gabagaboobey magaalada Helsinki
ee caasimada dalkan hawlwadeennada jaaliyada qaarada yurub
iyo masuuliyiin ka tirsan Hogaanka Abaabulka & Arimaha
Bulshada ee Jabahdda Waddanga Xoreynta Ogaadeenya.

Shirkaas oo socday 16-17 bishan ayay masuulinyiintan ayaa
maanta oo axad ah waxay la shireen Jaaliyad weynta Soomaalida
Ogadenia ee dalkan Finland shirkaas oo ka dhacay xafiiska
Jaaliyadu ku leedahay magaalada Helsinki.

Masuuliyiintaas ayaa Jaaliyada siisay warbixino qiimo badan
oo gudo iyo dibadba leh waxaana shirka dib loogu eegayey
qaab shaqeedka Jaaliyadaha Ogadenia ee Qaarada Yurub &
adkaynta wadashaqaynta Jaaliyadaha & siday isu kaashan
lahaayeen cududda bulshadana loo midayn lahaa.

Shirka waxaa lagu qiimayn lagu sameeyey hab shaqeedka Jaaliyadaha
Qaarada Yurub ka dhisan hadaba shirkaas oo muddo 2 maalmood
ah ayaa looga hadlay arimo badan oo halganka & bulshadaba
wax tar u leh, masuuliyiintan ayaa hadaba maanta waxay la
kulmeen Jaaliyad weynta Somaalida Ogadenia ee dalkan Finland.

Aayado Qur'aan ah kadib ayaa waxaa shirka furay Gudoomiyaha
Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee dalka Finland Mudane Xassan-Kamaal
kana war bixiyey waxqabadka Jaaliyadda kadib waxaa hadalka
lagu soo dhoweeyey Mudane Colaad oo ah Hogaanka qorshaynta
Haab oo warbixin dheer siiyey bulshadii meesha isugu timid
sidoo kale xubno badan ayaa meesha ka hadlay warbixin qiimo
badan siiyey bulshada.

Masuuliyiintan ayaa kakala yimid dhamaan qaarada yurub
dhamaantoodna ka warbixiyeen jaaliyada ay ka socdaan iyo
siday u shaqeeyaan, shirkan ayaa dhamaan laysku raacay qodobadii
meesha yaalay wuxuuna kusoo gabagaboobey jawi wanaagsan
farxad iyo is afgarad.

Khadar-Gulside
Qorahay media
Helsinki, Finland
qorahay99@yahoo.com