Dhagaxley Kooxda Hillaac oo qado sharaf loo qabtay iyo kulankii billaha ahaa.

Feb 18, (2013 (QOL) Waxaa manta la qabtay kulankii billaha ahaa ee faraca midnimo ee ka howl gala Xerada Dhagaxley ee dagaanka dhadhab Kulankan oo furmay abaare 2:00 dii duhurnimo goor sheegta Afrikada Bari ayaa ka koobnaa labo qeybood qeybta koobaad waxaaa qado sharaf loogu sameeyey kooxda Hilaac oo ah koox ka hawl gasha xerada Dhagaxley kuna soo bandhigta suugaan halgameed aad loola dhacay waxeyna waa dhaweyd soo bandhigtay kooxdu Riwaayad la magic baxday GAYI DHACAN GUYAAL BADAN GURMADKIISI BAAN AHAY.

Markey qadadii dhamaatay ayaa waxaa kadib loo gudbay qeybtii labaad ee ujeedka kulanka oo ahaa kulankii billaha ee faraca idnimo Waxaana lagu furay sidii caadadu aheyd wacdi diini ah iyo aayado Qur,aan ah oo uu soo jeediyey Sheikh Aadan oo kamid ah culimada qaddiyadda ku dhex bar baaray wuxuuna ku dheeraaday guubaabo iyo wacyi galinta bulshada isagoo aad uga hadlay qiimaha ay leedahay in halganka laga qeyb qaato naf iyo maalbana loo huro.

Intaa kadib ayaa la guda galay ajandaha shirka iyo qeybihiisi kale waxaa la dhageystey war bixinno ka xog waramayey guud ahaan xaaladda halganka iyo waxyaabihii ugu danbeeyey ee ku soo kordhay Waxaa sidoo kale laga hadlay arrimo kale oo dhamaanba halganka wax gal u ahaa.

Kooxda Hillaac ayaa gabagabadii kulanka ka qaaday heeso wadani ah iyo qaar kale oo gubaabo iyo dhiiri galin isugu jiray waxaana la soo afmeeray kulankii abaare 4:00 tii galabnimo waxaana lagu kala anba baxay guul iyo farxad fara badan.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online