Feb 18, (2013 (QOL)
Shirkan oo dhacay Maalintii Khamiista aheyd bishana ku begnayd
16 – 02 – 2013 Shirkan oo ay soo qaban qabiyeen
Gudiga Jaaliyada gobalka Jonkoping ayaa ahmiyadiisu aha
is barasho Jaaliyada iyo dowlada hoose ee Magalada Jonkopin
ee wadanka Sweden Shirkan ayaa furmay abarihii duhurnimo
waxana lagu furay ayadaha quraanka kariimka waxana soo jediyay
sheikh Cabdulaahi Muadin.
Kadib waxaa loo gudbay ajandihii shirka waxana
shirka furay gudoomiyaha Jonkoping Mudane Jamaal ,Gudoomiyaha
ayaa marka ugu horaysay uga mahad caliyay dhamaan inta shirka
ka soo qayb gashay ee wakhtigooda qaliga ah u huray shirkan
waxa uuna aad u soo dhawayay Marti sharaftii ka socotay
Dowlada hoose ee Magalada Jonkoping.

Gudoomiyaha Jamaal ayaa ka war bixiyay gudaha
iyo dibadaba Jaaliyadaha Somalida Ogadenia heerka ay marayaan
iyo guulaha waa weyn ee mar walba soo hoyiyaan Ciidamada
Jwxo.
Intas kadib marti sharaftii ayaa aad ugu
riyaaqay isku xirnaan shaha jaaliyada somalida ogadenia
ee wadanak Sweden iyo wax qabadkooda aad ka u wanagsan ee
ku dayashada mudan , Martidii ka socotay Dowlada hoose ayaa
waxa ay u balan qaday in jaliyada ay la garab tagan yihiin
hiil iyo hooba madama ay mutaysteen wax qabadkoodana yahay
mid xaq ah oo ku salaysan qadiyada shacabka somalida ogadenai
ee dunida ku dulman , intaaas kadib dhamaan Xubnihii Jaliyada
ee shiraka ka soo qayb galay ayaa dhamaantoodba ka dhiibtay
fikirkoda halkaas oo u wahliyen xubnaha in ay ka halaan
Siminaar kor loogu qadayay Maamul iyo Maareenta isku so
wada duuboow shirka ayaa waxa uu ku soo gaba gaboobay jawi
aad u wanagsan.

Oogle yare
Qorahay Media
Cape town South Africa
qorahay99@yahoo.com