Dulmifalowyaal xumaanta doogsadooyin-Liyuu Boolis- Qabrigiin maqodmo.

Waxaan doonayaa inaan akhyaarta sharafta leh isla eegno nimanka loo yaqaano Liyuu booliska ee bilaa naxariista ah. Marka hore waxaan aad uga xumahay in dad wata magaca soomaalida ay si toos ah ula saftaan cadowgii soo jireenka ahaa. Marka labaad waxaa muhiim ah in halgamaagu ku baraarugo khatarta nimankaas. Marka sadexaad waxaan leeyahay lacanad haku dhacdo kuwii soo abaabulay kuna fasaxey dumarkii iyo caruurtii reer ogaadeniya. Waxaa la isku habaaraa ceebtaa safar raacday, kuwan ceebtood waxey raacdey internet, satalaydh, talefeeshin, BBC iyo idaacadaha aduunka ee kale.

Waxay ladabeecad yihiin xayawaanka loo yaqaano YEYDA 1- waxey kashabahaan xaga bara baraha midabka foosha xun ee ay ku labistaan 2- waxay ka shabahaan xaga goobashada qofka shacabka ah oo 10 bay isgu tagayaan, waxay kashabahaan xaga qudhgooyada degdega ah ee ruuxa oo cabaadi naftu kabaxeyso. Markii lasoo koobo warkooda waa Dulmi,falowyaal xumaanta doogsin dhawda kolba meeshii shacab lagu sheego way ku duulaan waxay rabaana si bilaa xishood ah ayey u sameeyaan.

Waxaad isleedahey markaad u fiirsato dhaqankooda intii AHLUNAAR joogtay Ogadeniya ayaaba laysu soo madhay, Waxaana usoo jeedinayaa halgamaaga meel uu joogaba iney la dagaalamaan kuwaas siday ula dagaalameen Tigreegii quustay lagana leexinin seefta. Waxaan marna ladafiri karin meesha JWXO lamaray ciidankii qaranka Itoobiya, sidaa awgeed ayaan ku kalsoonahay inayna hawaarin sii hortaagnaan karin awooda jwxo iyo weerarkooda.

Waxaan xasuusinayaa shacab,weynaha reer Ogadeniya in la diiday dhamaan digtaatooriyad, sida tii Qadaafi, tii Xusni Mubaarak, tii Zeynulcaabidiin, tii Bishaar Asad iyo cali Saalax, sidaa daraadeed hadii ladiidey kuwii carbeed ee wadanka udhashey waa in ladiidaa kufaar aan laheyn wax loogu xisho haba yaraatee.

Waxaan ku boorinayaa dhamaan umada reer ogadeniya iney Sabirka kaalmeystaan, halgankana xoojiyaan mar hadeyna Itoobiya ogoleyn wax xuquuq ah ilaa hada, guushuna wey imaaneysaa insha allah.

Maqaalku waxuu khaas u yahey
Xaaji Maxamed Aw Macalim
geele55@hotmail.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online