Dawladda Australia oo Izrael ka dalbatay inay soo caddeyso geerida nin Australia u dhashay oo dalkaas ku dhintay.

Feb 18, (2013 (QOL) Waxaa maalmahanba si weyn la isula dhex marayey warar hoose oo Izrael lagu eedeeyey inay si hoose u dishay nin basaas ahaa oo asalkiisu Australlia yahay balse heystey dhalashada dalka Izrael.

Ninkan ayaa la odhan jirey Ben Zageir balse loo yaqaannaa magaca ah Maxbuuskii (X) waana magic ay yahuuddu u bixissay. Dowladda Australlia ayaa shalay ka dalbatay Izrael inay sameyso baadhitaan rasmi ah oo ku aaddan sida ninkaas geeridiisu u dhacday.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ahaa nin qareen ah oo yahuud ah wuxuuna la shaqeyneyey waaxada sir doonka Izrael ee moosaadka loo yaqaano Dhanka kale Izrael ayaa markii ugu horeysey qiratay in ninkaasu dalkeeda ku geeriyooday sannadii 2010 iyadoo ballan qaaday inay baadhitaan arrintaas ku saabsan fureyso.

Ninkan ayaa geeridiisa la qarinayey tan iyo markii uu ku geeriyooday xabsiga Ya,aalon oo ku yaalla bariga caasimadda yahuudda ee Tal aviv markaas oo la sheegay inuu isagu isku marjiyey qolkii uu kaga xidhnaa sannadkii 2010.

Ninkan ayaa la aamin san yahay inay Izrael iyadu dishay kadib markiii lagu soo eedeeyey inuu sir ka faafiyey waaxda sirdoonka ee yahuuda Sida uu sheegay Chanel-ka ABC ee Australia laga leeyahay ninkanu wuxuu heystay dhalashada dalka Australia wuxuuna wax ku bartay jaamacadaha dalka Australia.

Sida ay qortay saxaafadda Australia manta oo isniin ah dowladda Izrael waxey qarineysey in ninkanu dalkeeda ku xidhan yahay kadib markuu dhintayna waxey dayuurad ku soo qaaday medkiisa waxeyna keentay magaalada Melbourne halkaas oo lagu daray qabuuraha yahuudda ee halkaas ku yaalla.

Wasiirka arrimaha dibadda Australia Bob Carr ayaa shalay sheegay inay Izrael ka dalbadeen inay soo caddeyso sida uu u dhintay muwaadinkan iyaguna ay war bixin ka diyaarin doonaan.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online