Shirweynihii Baarlamaanka Carabta oo maanta lagu wado in uu ka furmo magaalada Qaahira.

Feb 18, (2013 (QOL) Waxaa maanta oo Isniin ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ahna xarunra Baarlamaanka carabta shir uu yeelanayo Baarlamaanka dalalka carabta kaas oo looga hadlayo arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda dalka Soomaaliya iyo tan dalal kale oo carab ah kuwaas oo ay ka jiraan dagaalo iyo xasilooni darro baahsan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalalka carabta Axmed Al-jarwaan oo ka hadlay qodabada maanta shirka looga hadlayo ayaa sheegay in shirku uu si gaar uga hadlayo arrimo badan oo ka jira dalalka carabta sida dagaalada dalka Suuriya ka holcaya iyo sidii xal nabadeed loogu helilahaa, sidoo kalena waxa uu sheegay in laga hadalayo xaaladda dalalka Soomaaliya, Falstiin, Liibiya, Ciraaq, Sudaan iyo dalal kale oo carbeed, wuxuuna Guddoomiyuhu sheegay in la meelmarinayo dhismaha sanduuq loogu talogalay in dhaqaale loogu aruuriyo dalalka ay dhibaatooyinku ka jiraan gaar ahaan dalalka uu dadkooda si weyn u saameeyeen xasiloonidarida iyo dagaalada ka jira.

Mar uu Guddoomiyuhu ka hadlay dalka Soomaaliya waxa uu yiri “Dadka Soomaaliyeed waa dad sharaf ku leh shucuubta carabta, waxaana jira shir 6-Maarso lagu qabanayo xarunta Midowga Yurub kaas oo ay ka soo qeybgalayaan dalalka deeqdabixiya waxaana shirkaasi looga hadlayaa dib u dhiska dalka Soomaaliya isagoo xusay in shirkaasi dhinaca Jaamacadda carabta uu uga qeybgalayo wafdi ka socda Baarlamaanka carabta, kaas oo ku dedaalaya maslaxdda Soomaaliya iyo in dalalka ka qeybgalaya uu hordhigo baahida ka jira Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dalka Soomaaliya”.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online