Feb 19, (2013 (QOL)
Waxaa Suuqyada Dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gobolada
Jubbada Hoose iyo
Banaadir
waayadan dambe maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii
dhacayay Sarifka Lacagaha qalaad sida Shiling Kenyanka iyo
Dollar-ka ( USA ) taas oo macnaheedu yahay inuu kor u kac
weyn ku yimid Lacagta Shiling Soomaaliga ah ee Dalka.
Hadaan ku horeyno Suuqa Magaalada Dhoobleey ee Dhacda Xuduuda
Dalalka Soomaaliya iyo Kenya waxuu Kunka Shilin ee Kenya
( 1000 ) Maalmahan ka marayaa gacantiisa hore labo boqol
oo kun oo Shilinka Soomaaliya ah ( 200,000 ) halka gacanta
dambe lagu kala gadanayo laba boqol iyo toban kun oo Soomaali
ah ( 210,000 ) Todobaadkii aynu soo dhaafnay Kunka Kenya
waxuu Suuqa Magaalada Dhoobleey ka marayay gacanta hore
labo boqol iyo sideetan kun oo Soomaali ah (280,000) halka
Gacanta dambe uu ka marayay
Sadex
boqol oo kun oo Soomaali ah (300,000).
Dhanka lacagta Maraykanka Boqolka Dollar ( $100 ) ayaa
Gacanta hore haatan waxuu Magaalooyinka Dhoobleey iyo Kismaayo
ka yahay hal Malyan iyo Lix boqol oo kun oo Soomaali ah
( 1,600,000 ) halka gacanta dambe lakala siisanayo hal Malyan,
Lix boqol iyo Konton kun oo Soomaali ah ( 1,650,000 ) Todobaadkii
hore ayaa waxaa Boqolka Dollar lagu Sarifayay Suuqa Magaalada
Dhoobleey Labo Malyan laba Boqol iyo Sideetan kun oo Shilin
Soomaali ah illaa Laba Malyan iyo Sadex Boqol
oo
Shilin Soomaali ah ( 2,280,000-2,300,000 ) waxaanad dareemaysaa
inuu Sarifku Todobaadkan hoos u dhacay qiimo dhan Lix boqol
iyo Sideetan kun Illaa Todoba boqol oo kun oo Shilin Soomaali
ah ( 680,000-700,000 ).
Hadaan fiirino Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka sidan
oo kale ayuu Sarifka Dollarku dhulka u yaalaa arrintaas
oo aan lagaran karin waxa sababay iyadoo dhanka kale ay
Maciishadiina Sare u kacday taas oo aan sina isku waafaqi
karayn in Sarifkiina Dhulka tago Qiimahii Maciishaduna Cirka
tago.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com