Feb 19, (2013 (QOL)
Wararkan naga soo gaadhay gudaha Ogaadeenya ayaa sheegaya
dagaalo aad u badan oo shalay ka kala dhacay meelo kamid
ah Ogaadeenya kuwaas oo u dhexeeya Ciidanka Waddaniga
Xoreynta
Ogaadeenya & Askarta Gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha Qorahay Media uga soo warama gudaha
Ogaadeenya ayaa sheegay dagaal aad u culus oo ay CWXO shalay
aroortii hore ku qadeen saldhig ciidan oo ay daganayeen
Askarta daalan ee Gumaysiga Itoobiya waxaana la sheegayaa
in uu dagaalku ahaa mid qorshaysay CWXO ay ku fadhisten
ayaga oo aan filaynin.
Saldhigan oo ay Askarta gumaysiga Itoobiya
daganayeen ayaa ku yaalay meesha loo yaqaano Argeegta oo
ka tirsan Fiiq waxaana la sheegaya in ay gabi ahaanba saldhigaas
gacanta ku dhigeen hub aad u badan & maxaabiisan gacanta
ku dhigeen. Sida uu Warbaahinta Qorahay Media u xaqiijiyay
mid kamid ah sarakiisha weerkaas qaaday ayaa sheegay in
ay ka heleen halkaas Hub aad u badan kadibna ay iskood iskaga
bexeen ayaga oo aad u faraxsan.
Isla shalay aroortii waxay Ciidanka Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya weerar qorshaysan ku qadeen meesha lagu
magacaabo Nadhi oo ka tirsan Baabili waxaana halkaas daganaa
Askarta gumaysiga oo aad u yaraa waxaana la sheegaya in
ay carareen oo goobtaasna baneyeen qalab Milatari ka heleen.
Shalay duhuradii ayuu dagaal ka qarxay meesha
lagu magacaabo Cadaleey oo aaga dhagaxbuur ah dagaalkaas
oo ay weerka lahaayeen CWXO ayaga oo weeraray Askarta Itoobiyaan
ah oo halkaas marayay waxaana la sheegayaa in uu dagaalkaas
ahaa mid aad u xoogbadan oo gurmadyo labada dhinacba u kala
yimadeen waxaana la sheegayaa in uu 7 jeer oo kala duwan
dagaalku ka socday halkaas.
Weeraradan aan kala joogsiga lahayn ee ay
CWXO qaadayaan ayaa ah kuwa maalin walba dhaca waxaana aad
laysu weydiinayaa weerka aan kala joogsiga lahayn ee lagu
bar-tilaameedsanayo Askarta Gumaysiga Itoobiya oo jiif &
joogba loo diiday ayaga oo ka soo bixi la dhufaysyada ay
qoteen.
Wixii ka soo kordha kala soco Qorahay Media
Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com