Jigjiga oo noqotay meesha ugu cabsida badan dadkana lagu dhibaateeyo.

Feb 19, (2013 (QOL) Wararkan naga soo gaadhaya magaalada JigJiga ayaa sheegay wakiilada Gumaysiga Itoobiya oo cabsi weyni la soo daristay ayaga oo aad uga shakisan dadka kala duwan ee magaalada jooga. Shir ay maalin dhaweyd ku yesheen magaalada ayay ku shegeen in ay cabsi badan jirto ayaga oo sheegay in ay muhiim tahay in si weyn laysaga ilaaliyo dhamaan dadka ku nool magaalada JigJiga. Wakiilada qaar ayaa sheegay in ay habeenada qaar magaalada soo galaan Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Magaalada JigJiga oo ah magaalo ay gumaystaan gumaysatada Itoobiya ayaa waxaa xukuma Askarta wayaanaha oo kolba qorshe u soo dajiya ayaga oo u dhaga nugul fuliyaha nadaamka & qorshaha ay u dhibaan ayaga oo dhexdoodu u kala dhuntaan Askarta Wayaanaha si ay u qanciyaan.

Magaalada qoraxdu haday gaabato waa qofwalba gurigiisa ayaa hoosta ka xidhan hayaa mana jirto meelo ay dadku isugu yimadaan oo ay ku caweyaan waxaana magaalada lagu soo dayn Askarta gumaysiga Itoobiya oo aan qofna u naxaynin.

Magaalada JigJiga ayaa baabuurta aad culays loo saaray dadka raacaya, waxaa sidoo kale dadka aad loogu dhibaa baabuurta gobalada u baxaya kuwaas oo qofwalba oo raacaya wakhti badan la haysanayo su’aalo badan la weydiinayo waxaana inta badan baabuurta la raaciyaan dad dharcad ah oo dadka baabuurka saaran jaajuusa.

Shaqsiyaadka Wakiilada Gumaysiga u jooga magaalada JigJiga ayaa marar kala duwan laga soo shegay in uusan go’aankaas ahayn mid ayaga ka yimid ee uu yahay mid ay Askarta Gumaysiga Itoobiya wataan taas oo lagu dhibaateeyo dadka nugulka ah ayagana masuuliyad aahan ku magacaaban yihiin.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online