Agaasimaha Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha ee Maamulka Siilaanyo oo goor dhow Iscasilay.

Feb 19, (2013 (QOL) Wararka hadda naga soo gaadhaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goor dhow Agaasimaha Xafiiska Xiriirka dadweynaha ee Wasaaradda Madaxtooyada Maamulka Siilaanyo oo lagu magaacbo Cismaan Cabdi Ismaaciil ku dhawaaqay in uu xilkii uu maamulkaas u hayay iska calisay.

Hadalkan ayuu ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay agaasimuhu in uu u gudbiyay madaxweynaha Somaliland warqadda Istiqlaaladda oo uu ku muujinayo in uu xilkii ka tagayo.

“Mudane wasiir aniga oo aad kuugu mahad naqaya mudadii aynu wada shaqaynaynay, Waxaan kula socodsiinayaa in aan go’aansaday in laga billaabo manta oo ay bishu tahay 19/02/2013 aan joojiyo kana tago shaqadii aan ka hayay oo ahayd madaxa Xafiiska Xidhiidhka dadweynaha..”.

Sababaha aan sidaa u go’aansaday dib ayaan ka soo sheego doonaa mar ay ku haboontahay ayuu hadalkiisa sii raaciyey Agaasimihii Xafiiska Xiriirka Dadweynaha maamulka Siilaanyo Cismaan Cabdi Ismaaciil.

Maamulka Siilaanyo ayaa dadka siyaasada indha indheeya u arkaan in uu san lug fiican ku tagnayn oo ay hadhaysay is qab-qabi & dagaal siyaasadeed waxaana aad looga cabsi qabaa in uu dagaal ka qarxo waxaana mudooyinkii dambe siyaasiyiinta gobalkaas is dhaafsanayeen hadalo aad u kul kulul oo midba midka kale ku tuurayo. Dhanka kale waxaa Gobalkaas soo wajahday cabsi weyn dhanka amniga isaga oo 20 sano ee ugu dambeeyay ahaa gobal nabad ah ayuu hadda marayaa xili ay dadku ka qaxayaan oo nabad galiyadu cidhiidhi tahay.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online