Askarta Gumaysiga Itoobiya oo 150 Ceel meesha Ceelo-Obo la yidhaahdo ku yaalay asay & CWXO oo weerar balaadhan ku qaaday.

Feb 20, (2013 (QOL) Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeenya ayaa sheegaya Askarta daalan ee Gumaysiga Itoobiya in ay shalay aroortii dulaan ku qadeen dhulka miyiga ah gaar ahaan meesha loo yaqaano Ceelo-Obo oo Baabili ka tirsan waxayna aaseen Ceelal aad u badan oo ay dadka & xooluhuba ka cabayeen, warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidanka bahaloonay ee gumaysigu Itoobiya ay aaseen 150 ceel oo aad muhiim u ahaa mudo dheerna ay dadka deegaankaas ku dhaqani isticmaalayeen.

Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa ka war helay ciidanka gumaysiga ee falkaas fuliyay in ay halkaas ku suganyihiin waxayna xalay fiidkii ku qaadeen weerar balaadhan oo si hufan loo qorsheeyay, wararku waxay sheegayaan in CWXO ay si aad ah u wiiqeen askarta gumaysiga ee falkaas arxan darada ah ee gaysatay.

CWXO oo dhawrkii bilood ee u dambeeyay dagaalodii ugu badnaa gumaysiag ku qaaday isla markaasna meel kasta oo ay cadowga hu helaan ku jabiyay ayaa dagaalkii ay xalay ciidanka gumaysiga ku qaadeen si adag ugu jabiyay waxayna si dhab ah u muujiyeen awooda & tabaha hufan ee ay dagaaladan noocaas ah cadowga ugu wiiqaan, CWXC awxay u taaganyihiin soo celinta haybadii & gobanimadii shacabka Ogaadeenya waxayna difaacayaan shacabka Ogaadeenya & wax kasta oo noloshooda la xidhiidha sidaas daraadeed waxay jawaab adag ka bixiyaan dhibaato kasta oo ay ciidanka hadurka ah ee gumaysigu shacabka Ogaadeenya u gaystaan.

Dhaka kale saaka abaarihii 9:40 xiliga Bariga Afrika ayay CWXO weerar dhabe gal ah ku qaadeen Askarta Gumaysiga Itoobiya oo marayay meel Jiir ah waxayna ahreeraha kagala sooo kaceen hubka noocaydiisa kala duwan, ciidanak gumaysiga ee dhago barjoobay ayaa sidii caadad u hayd markii ay rasaasta maqleen baabuurtii ka daatay oo iyagoon hal xabad ah ridin wixii aan taraysada cadhaysani haleelin ay cagaha wax ka dayeen.

Ciidanka gumaysiga ee ay CWXO saaka weerareen ayaa firxadkoodii ilaa hada hal hal loo helayaa oo dadka reer miyiga ah isu dhiibaya, waxaana la xaqiijiyay in ay jahooyin kala duwan u kala carareen isla markaasna qaar firxadkii askarta gumaysiga ka mid ah ay qaybo kale oo CWXO ah heleen oo ay mar kale birta ka saleen.

CWXO oo si weyn u habaaysan dhanka Militariga & dhanka Sirdoonkaba ayaa mudooyinkii u dambeeyay waday qorshayaal aad u badan oo ay Askarta gumaysiga Itoobiya kaga sifaynayaan guud ahaan gayiga Ogaadeenya waxayna dhaar ku mareen in aysan Askarta gumaysigu siday dan modaan u soconaynin, waxaa baryihii dambe aad u soo badanay xooga CWXO oo meeshii ugu wanaagsanahayd maanta maraya waxayna guulo lagu naaloonayo ka soo hoyiyeen guud ahaan dagaalada ay cadowga la galeen.

Xiligan ay Askarta gumaysiga Itoobiya asayaan ceelasha ahaa ah xili diraac aad u kulul lagu jiro dadkuna ay aad ugu baahan yihiin ceelasha ayaga oo aan haysanin cid daryeelaysha isla markaasna aysan wadanka Ogaadeenya ka hawlgalin hay'adaha samafalka oo uu Gumaysiga Itoobiya ka saaray gabi ahaanba hay'adaha samo falka si shacabka Ogaadeenya loo godoomiyo.

Ceelasha uu gujmaysigu shacabka aad u baahan ka aasayo xiligan ayuu uga gol leeyahay in dadku ay abro kacaan oo ay deegaano kale u leeleelaan oo dadku meelo cayiman isugu tago ama ay oon iyagiyo xoolahooduba u baa ba'aan, ciidamada gumaysiag ee naxariista daran waxay marba marka ka dambaysa sii kordhinayaan cabudhinta ay shacabka Ogaadeenya ku hayaan.

Isku soo wada duboo waxaa aduunka oo dhan laga soo dhaweynayaa guulaha aan ka joogsiga lahayn ee CWXO ay soo hoyinayaan waxaana aad loo xaqiiqsaday kalsooni dhab ahan abuurtay awooda culus ee CWXO waxayna noqdeen garabka kali ah ee ay shacabku haystaan waxayna kaga dhabeeyeen balankii ay umadooad la galeen ee ahaa in ay ciidda Ogaadeenya gumaysiag Abasiiniya ka xoreeyaan ama ay naftooda ku waayaan sidaasan ay aakhiro jano ku raaxaystaan.

Waxyeellooyinka kala duwan ee gumaysigu shacabka Ogaadeenya u gaysto & dagaalada kulkulul ee ay CWXo akarta gumaysiag ku asqaynayaan wixii ka soo kordha dib ayaan ka soo tabin donaa haduu Allaah yidhaahdo.

Dhimbil Guure
Qorahay Media
Ogaadeenya
qorahay99@yahoo.com

o  
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online