Bayaanka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada Iyo Cadaalda.

Halkan ka dhagayso Radio Qorahay Barnaamijii ugu dambeeyay

Feb 21, (2013 (QOL) Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaaladda codka, caqliga, damiirka, dareenka, dadnimada iyo qiirada nool inta Diintooda dalkooda,karaamadooda iyo wada jirkoodda u
taagan gunimadda heeryadda gumeeysi hoos joogidda,dulmiga iyo colaada sokeeye dhaqan qabyaaladeedka iyo kala maqnaanta qarameed diidaan naceybka xumaanta fidnadda iyo sii kalla fogeeynta bulshweynta diidaan(codka Somalida Nool).

Waxaanu qormadan ku soo bandhigeeynaa aragtida iyo dareenka Ururka Dhq-dhaqaaqa Somaaliyeed iyo marxaladan is-bedelkeeda leh anagoo hab cadaalad leh,xaq soor leh,niyad sami leh ku qiimeeyn doona xaalaka dalkeena hooyo soo dhoweeyneeynaa gud ahaanba waxyaabaha habsamidooda iyo wanaagooda leh isla
markaana dhaliili doono wixii dhaliil mudan ama khaladkoda yeelan karaaya waana sidan:-

*-Waxaanu si diiran u soo dhoweeyneeynaa guulaha siyaasadeed oo dowlada federaalka somalia siyaasada debeda ka soo hooysay madaxda Sarre qaranka waana tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday biloow ah una baahan balaariin iyo horumarinba.

*-Howl-galada ciidanka qaran iyo kuwo Amison taageerid iyo soo dhoweeynba mudan iyo kordhinta dadaalada degaamada dib loogu xoreeynaayo hadii eey noqon laheyd-Jubbooyinka,Bay iyo Bakool,Gedo iyo Shabeelooyinka iyo Hiiraanba,sidoo kalle waxaa soo dhooweeyn mudan hirgelinta xarunta taakuleeynta
iyo howl-gelinta ciidanka Xooga oo xamar laga furay,sidoo kale soo dhoweeynta Ciidanka tababarka debeka ku soo qaatay kuna soo laabtay dalkooda hooyo,anagoo wasaarada ku adkeyneyna xoogiinta qaab dhaqameedka ciidanka.

*-Sidoo kale waxaa soo dhoweeyn iyo taageridba mudan howlaha dadaalkooda leh ee Xukuumadda Federaalka Somalia iyo balan qaadyadda kor loogu qaadaayo adeegyada arr.bulshada oo baahi weyn loo qabo(waxbarashadda,Caafimaadka,Biyaha),laakiin waxaa weli dhaliil culeeyskeeda ka jiran dhanka Garsoorka(Cadaalad darro,garsoor habaabiin iyo ku xadgudubka xoriyada muwaadinka Sida dacwadda Wariye-Koronto iyo Marwo Luul oo hab xaq darro ah,dulmi ah,xaaraan loo maray lagu duudsinaayo xuquuqda iyo xurmadooda bani-aadaminimo waana dhaliil ceeb ku ah guud ahaan Madaxda sarre qaran,wasaaradda Cadaalada iyo garsoorka,Xeer- illaaliimta guud, Maxkamadda sarre,gudigga Illaalinta Xaquuq Insaanka Barlamaanka iyo Taliska Ciidanka Boliiska,golaha sare ee Culimaa-udiinka iyo Hogaanka dhaqanku ceeb weyn ka raacday, Xukuumadu si weyn ugu dhaliilan go'aanka soo saarida hantida Dadweynaha Somaaliyeed.

*-Waxaa soo dhoweeyn mudan is-bedelada dhanka Amaanka J/Hoose Kismaayo iyo Hiiraan(Baledweyne)waxaana ku amaanan maamulka labadaas magaalo,ciidanka xooga,xoogaga degaanka iyo kuwa ka socda Amison,iyadoo la illaawi kareeyn doorka bulsho-weynta degaamadda.

*-Waxaa weli dhaliilo iyo khalad amaan ka muuqdaa caasimadda Muqdisho oo qaraxyadii,dilkii ugaarsiga ahaa iyo miiniyinkii weli ka socdaan iyo falalkii foosha xumaa ee kufsashada ama fara-xumeeynta haweenka somaaliyeed,laakiin dadaalo dhanka bilicda magaalada ayaa ayaa soo dhoweeyntooda leh,amaan ku mudan duqa magaaladda muqdisho mudaen-Tarzan iyo qurba jooga maal-gashigga ka wada caasimadda.

*-Waxaa cambaareen culeeyskeeda leh mudan falkii dilka loogu geeysteey Halyeey-Sh.C/Qaadir Gacameey oo ka mid ah culimada tirada yara oo looga dameeyeey aqoonta Islaamka,anagoo u aragna cidii fadlkaas ka dameeysay dambiilayaal,cadoowga ummadda Islaamka iyo Somaalidaba,isla markaana si diiraan u soo dhoweeyneeyna baaqyada qabashada shir-weynaha culimadda Somaaliyeed.

*Sidoo kale waxaa soo dhoweeyn mudan doorasahada duqa degmada Gaalkacayo(Galmudug)anagoo u rajeeyneeynaa wax qabad danta guud ku saleeysan iyo u adeegida bulshadiisa,waxaa kale oo aan cambaareeyn dusha uga tuureeynaa dilka xaq darada ah oo degaanka Mudug loogu geeystay dadka rayid ah oo aan waxba
galabsan kaasoo ah fal dembiyeed cad,waxaanu ugu baaqeeynaa Maamulka Galmudu siiba Mudane-Madaxweyne C/Qeydiid in arintaas sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto,cadaalada la horkeeno cidii falkaas ka dameeyeey(Galmudug iyo PL iskaashi arintaas ka sameeyaan)iyo guud ahaanba sugida amaanka.
http://youtu.be/8EGZZ0BPo-4

*-Waxaanu si diiran u soo dhoweeyneeynaa qaban-qaabada shirka Jubbooyinka oo sida la shaaciyeey 23/02/2013 kismaayo ka furmi doona hadii Allah idmo si weyna loogu diyaar garoobeey dhanka sugida amaanka,ergoyinka,dhaqaalaha,marti gelinta iyo Hanaan socda shir-weynahaas,anagoo ku talineeysa ku dhaqmida Cadaaladda,garsoorka,xaq soorka iyo sinaan ku dhaqmida,Inshaa Allah Guul.

*-Soo dhoweeynta Xeerka Saxaafada Somaaliyeed anagoo ku talineeyno in aanu noqon mid cod cabidhida,run sheegida, aragti gudbiinta,khalad dhaliilida iyo howlaha musuqmaasiqa leh lagu daboolaayo balse uu noqdo mid saxaafada,warbaahinta lagu horumarinaayo laguna saxaayo dhaliilaha,khaladka iyo guud ahaanba waxyaabaha ceebta saxaafada ku ah looga gudbayo lagu raadinaayi saxaafada hufnaanteeda,habsanideeda,run ka hadal iyo xaq difaacid leh,inshaa Allah waanu dersi doonaa Xeerkaas jawaabta ku haboona ka bixin doonaa.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud:-Dha-dhaqaaqa Somaaliyeed
-Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Feb-20-02-2013.

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2013, All rights reserved. Qorahay Online