Kismaayo marti sharaf meel la kala dajiyo la la,yahay iyo maamul goboleed laga dhowrayo inay ku dhawaaqaan.

Halkan ka dhagayso Radio Qorahay Barnaamijii ugu dambeeyay

Feb 21, (2013 (QOL) Waxaa magaalada Kismaayo si xawli ah uga socda qaban qaabada shirweyne la doonayo in lagu dhiso dowlad goboleed la yidhaahdo Jubbaland. Hadaba waxaa la filayaa in uu shirku ka furmo magaalada Kismaayo maalinta jimcaha ah oo ay taariikhdu tahay 23ka bishan aynu ku jirno. Shirkan iyo rajooyinka laga qabo inuu midha dhalo ayaa waxaa manta si weyn wax uga qoray saxaafadda caalamka haba u badnaato midda carbeed.

Sida uu sheegay madaxa qaban qaabada shirka lagu dhisayo maamul goboleedka Jubbaland Maxamed Ibraahin oo u waramay saxaafadda caalamka qaar kamid ah waxaa gabagabo maraya howlaha ku saabsan shirka waxaana intoodii badneyd soo gaadhay magaalada wufuudii ka qeyb gali laheyd shirka qeybta yaree aan wali imanna ay filayaan inay yimaadaan goor dhow.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 500 oo ergo oo laga soo xulay beelaha gobolka dhamaantood waxa kale oo goob jog noqonaya ergooyin caalami ah kuwaas oo kormeer ku sameyn doona sida wax u socdaan waxaana kamid ah Qaramada Midoobay, IGAD iyo ururo dowli ah iyo qaar gobolka ka socda iyo safiirada dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo wakiilo dowladda Federalka ka socda intaba.

Masuulka ayaa sheegay inay gabi ahaanba soo gaadhay kharashkii shirka iyo tashiilaadkii lagu qaban lahaa intaba ayna hadda diyaar u yihiin shaqo walba oo looga baahdo guddigooda wuxuuna sheegay inay dhaqaalaha bixiyeen ganacsatada gobolka Jubbaland isagoon shaqsiyaad gaar ah tilmaamin.

Mar wax laga weydiiyey khilaafka iyaga iyo Muqdisho u dhaxeeya ee ku aaddan maamul u sameynta gobolladan ayuu ku jawaabay waxaan xaq u leenahay inaan maamul dhisano waxaana noo ogol sidaas dastuurkayaga waxaan soo dhaweyneynaa dowladda Federaalku inay xalka kamid ahaato laakiin aaney dhibta ka qeyb ahaanin.

Musharraxiinta xilka madaxweyne nimo ee maamulka Jubbaland laga yagleelayo ayaa lagu sheegay inay ugu cad cad yihiin labada nine e kala ah Sheikh Axmad Madoobe oo ah madaxa maamulka kumeel gaadhka ee hadda ka arimiya gobolka iyo Maxamed Cabdi Gaandi wasiirkii hore ee gaashaan dhigga DKMG.

Waxaa kale oo iyana musharaxiin ah Maxamed Ibraahim Shakuul oo ah gancsade Islii caan ka ah kana mid ah wakiiladda Itoobiya u jooga Nairobi iyo ninka la yidhaahdo Cali Maxamed Xassan Cali Madoobe oo ahaa madixii hore ee Policeka Soomaaliyeed.

Aloolaha doorashada ayaaa si weyn uga socota magaalada Kismaayo waxeyna murashaxiintu kulamo la yeelanayaan madax dhaqameedka beelaha si ay ugu qanciyaan in mid walba isaga la doorto shirka kadib. Qurba jog aad u fara badan ayaa magaaladu ay la ciir ciireysaa waxaana laga imanayaa USA EUROPE KENYA iyo xittaa xamar iyo Puntland iyo meelo kale.

Dhanka kale alshabaab ayaa si ay u carqaladeeyaan shirka waxey shirk an liddi ku ah ka fureen Mareerey oo ah meelaha ay wali gacanta ku hayaan waxeyna halkaas ku aruuririyeeen wax alle wixii oday ahaa ee is lahaayeen waxaa looga baahan karaa Kismaayo waxeyna dajiyeen xarun ay asbuucan hayadda Africa ka bililiqeysteen iyagoo yidhi waxaa loo qaban odayaasha kulan diineed oo soconaya sadex asbuuc

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa inay Kismaayo oo muddo dhawr sano ah foolaneysaneysey maamul goboleed ay sidkeedii dhammeysatay waxaanse ilaa hadda la ogeyn waxa ay dhali doonto.

Waxaa shirkan muhiimka ah garab socda qorshe military oo la doonayo in al shabaab xididada loogu siibo kadinb doorashada dhici doonto taas oo iyana rajo weyn laga qabo.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2013, All rights reserved. Qorahay Online