Feb 21, (2013 (QOL)
Waxaa in muddo ahba xidhiidhkoodu si taag taag ah ahaa labada
xukuumadood ee Sacuudi Carabiya iyo Sirillanka is faham
la,aan muddo soo jiitantey awgeed. Xidhiidhka labadan dal
ayaa xumaaday kadib markey gabadh jaariyad aheyd oo Sirilanka
u dhalatay ay dishay waa sii horeysey ilmo yar oo ay dhaleen
dadka ay iyadu u shaqeyneysey oo Sacuudiyaan ahaa.
Gabadhaas
ayaa lagu xukumey dil kadib markey qiratay inay ilmahaas
yar marjisey hadaba intaan lagu fulinin gabadhaas xukunka
dilka ah ayaa waxey dowladda Sirilanka si aad ah isugu dayday
inay gabadhaas nolosheeda bad baadiso iyadoo baaqyo kala
duwan u dirtay madaxda dalka Sucuudiga. Ugu danbeystiina
markii asbuucan gabadhaas xukunkii lagu fuliyey ayey dowladda
Sirilanka safiirkeedi u joogey magaalada Riyaad si dag dag
ah ugala baxday wadanka Sucuudiga.
Waxaa sidoo kale tallaabo ceykaas oo kale
ah kaga jawaabtey dowladda sucuudiga oo habenkii xalay iyana
dib ugu soo ceshatey safiirkeedi u fadhiyry wadanka Sirilanka
iyadoo tidhi wada tashi ayaa safiirka loogu yeedhay
dalka Sacuudiga oo ah dal qani ku ah saliidda ayaa wuxuu
dibadda ka soo dhoofsadaa dad shaqaale ah oo Aasiyaan u
badan kuwaas oo rag iyo dumarba isugu jira iyagoo qaar kamid
ah dadkaasu ay ku kacaan danbiyo halis ah kadib marka ay
xammili waayaan macaamil xumada dadka ay u shaqeeyaan ee
kafiilka ka ah.
Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya