Wasiirka Arrimaha dibadda Mareykanka Johm Kerry oo booqanaya dalal badan oo Yurub iyo B/dhexe ku yaalla.

Halkan ka dhagayso Radio Qorahay Barnaamijii ugu dambeeyay

Feb 21, (2013 (QOL) Sida lagu sheegay war ka soo baxay aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo waxaa booqasho uga bilaaban doontaa maalinta barri ah dalal yurub iyo kuwa carabta ka mid ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee wadanka Mareykanka John Kerry oo asbuuci inaga tagey loo magac aabay jagada arrimaha dibadda wasiirka ayaa booqashadiisa ka billaabayo dalka Ingriiska maalinta barrito ah waxaana la filayaa inuu booqdo dalal ay kamid yihiin Jarmalka France Italy inta uu ku guda jiro booqashada Yurub ayuu wasiirku ka qeyb gali doonaa shir looga hadli rabo arrinta Syria oo ka dhacaya dalka Italy isagoo la kulmi doona wakiillo ka socda golaha Qaranka Syria ee mucaaradka ah isagoo ka dhageysan doona sida ay u arkaan xalka arrinta Syria.

Waxaa la sheegay in wasiirku sidoo kale ay booqashadiissa kamid tahay inuu socdaal dheer ku soo maro wadamo bariga dhexe kamid ah sida Turkiga Masar Sacuudiga iyo waliba Imaaraadka inta uu wasiirka booqashada ku jiro ayaa la sheegay inaanu booqan doonin Izrael iyo dhulalka reer Falastiin oo la filayo inuu mar gaar ah imaan doono wasiirka oo saaka aroortii hore qudbad ka jeedinayey Jaamacad ku taalla gobolka Farjiiniya wuxuuna sheegay inay booqashadiisu tahay mid uu ku dhageysanayo aragtiyada xulafada Mareykanka ee ku aaddan mishkiladaha caalamka ka aloosan booqashada wasiirka ayaa soo gaba gaboobi doonta maalinta ay lixda tahay bisha March ee foodda inagu soo heysa.

Daljir Keyd
Qorahay Media Kenya

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2013, All rights reserved. Qorahay Online