Feb 21, (2013 (QOL)
Warar hordhac ah oo hadda soo gaadhaya Qorahay Media ayaa
sheegaya in shalay duhuradii lagu dilay Ina Labagole aaga
Qabri-bayax kadib weerar lagu qaaday ciidan uu la socday
oo ka soo baxay dhanka JigJiga.
Warkan
oo aan la xaqiijinin ayaa laga soo dheegayaa Magaalada JigJiga
sida ay shegeen kooxda Hawaarinta ee dabadhoonka u ah Gumaysiga
Itoobiya waxaana kooxdaas laga dareemayaa niyadjab weyn
ayaga oo si hoose isugu sheegaya waa dhaawac balse sida
wararka nasoo gaadhaya ay sheegayaan in uu dhintay oo Ciidanka
Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ku dileen aaga Qabri-Bayax.
Ina Laba go'le oo kamid ahaa shaqsiyaadka
sida weyn looga yaqaano Ogaadeenya laguna bartay ciqaabta
& Jidhdilka dadka ayaa mudooyinkii dambe ka waday guud
ahaanba Ogaadeenya in uu dadka ula dhaqmo si aad u foolxun
oo qaarkamid ah Gabdhaha Ogaadeenya uu naasaha dab kaga
dhajin jiray qarkoodna ay hadda ku sugan yihiin Xeryaha
qoxootiga ee ku yaala dalka Kenya waxaana xabsiyada ugu
jira kuwo kale oo aad u badan.
Waxaan in badan soo tabinay tacadiyo aad u
badan oo uu gaystay Ina Labagole isaga oo masuul ka ahaa
kooxda Hawaarinta oo ah koox ay Askarta Gumaysiga Itoobiya
u carbiyeen ayaga oo baray sida dadka loo laayo loo boobo
& sida loo barakiciyo waana koox aan xishoonaynin.
Ugu dambayntii waxaa muuqata CWXO in ay kaga
dhabeyeen go'aankodii ahaa in ay u hiiliyaan shacabka Ogaadeenya
oo ay kuwa dhibaataynaya ee cadwga ka raacay aynan u naxaynin,
bishii hore ayay ahayd markii ay kuwii ugu dhibka badnaa
ay ku layeen meelo kala duwan oo Ogaadeenya kamid ah.
Si kasbata ha haa dagaalada Ogaadeenya ayaa
sii kordhay oo CWXO ayaa tabo & qorshayaal cusub la
soo baxay wixii ka soo kordha dib ayaa ka soo dheegu donaa
haduu allaah yidhaahdo.