Magacaabista Wasiirka difaaca ee Mareykanka oo si weyn la isugu mari layahay.

Halkan ka dhagayso Radio Qorahay Barnaamijii ugu dambeeyay

Feb 22, (2013 (QOL) Waxaa ilaa hadda aan xal dhammeys tiran laga gaadhin khilaaf adag oo u dhaxeeyey golaha odayaasha dalka mareykanka kaas oo ku saabsanaa magac aabista madaxweyne obama ee tshack hagel uu u magac aabay wasiirka difaaca ee soo socda ninkan la isku mari la,yahay waa oday ka tirsan xizbiga jamhuuriga oo ka soo dagaalamay VItnaam walibana billad geesi ku qaatay waxaana soo sharaxay madaxweyne obama si uu u noqodo wasiirka difaaca ee badali doona liyon banita waxaana si aad ah uga hor yimid magac aabistiisa xizbiga uu ka tirsan yahay ee jamhuuriga.

Cod u qaadidii asbuucan dhacday waxaa ku adkaaday jamhuuriyiinta weyna hakiyeen magac aabistaas in kastoo la filayo in asbuucan uu ku guuleysan doono uuna cod ku filan heli doono maadaama ay aqbaleen dhawr senetor oo jamhuuri ah kuwaas oo uu kamid yahay john mackain inay.

Codka siiyaan cod u qaadidii dhacday asbuucan ayaa waxey natiijadu aheyd 58 cod oo ay heleen dimuqraadiga oo hagel taageersanaa iyo 60 cod oo ay heleen jamhuuriga oo aad u diidan hagel 11 senator ayaa maanta waraaq u soo qoray madaxweyne obama taas oo ay kaga codsanayaan inuu tshack hagel kala noqdo soo sharaxaadiisa maadaama bey yidhaahdeen aanu istaahilin jagada sidan u muhiimsan inuu dalka ka qabto iyagoo shakki galiyey inuu ka soo bixi karo muhiimadda ceynkan ah.

Afhayeen u hadlay aqalka cad chai karney oo maanta oo jimcaha u jawaabay waraaqda jamhuuriga ayaa si kulul u canbaareeyey rabitaanka sanetorada jamhuuriga qaarkood oo uu ku tilmaamay inay ka hor marinayaan danta qaranka siyaasado aan wax macna ah ku fadhiyin, hadaba maxey jamhuuriyiintu ninkan ku diidan yihiin ?
Tshack hagel waa senator jamhuuri ah balse lagu yaqaanno fikrado aad uga soo horjeedo Izrael iyo siyaasahadeeda isagoo ku tilmaamay in dhibaatada.

Mareykanka caalamka ka heysata ay izrael ka mas,uul tahay ayna khalad tahay inaan Izrael wax walba ku raacno anagoon qiimeynin inay khaldan tahay iyo in kale midna waxaa kale oo uu si weyn uga soo horjeedaa kooxda xoogga badan USA ku dhax leh ee yahuudda ah ee loo yaqaanno LUUBIGA kuwaas oo ah kuwa go'aamiya cidda mareykan wax ka noqoneysa isagoo marar ka qaar ku tilmaama inay yihiin bilaa wadaniyad siyaasiyiinta mareykanka dhibaato badan ku haya.

Waxaa kale oo uu ka soo horjeedaa in wadanka iiraan la weeraro ama la cuna qabateeyo wuxuuna taas badalkeeda doonayaa in sida bakistan oo kale lala heshiiyo xiittaa haddey hub nuckliyeer ah tijaabisso
arrimahaas iyo qaar kale oo badan ayuu ku kasbaday inuu cadaawad badan kala kulmo xizbigiisa uuna ku waayo taageerada jamhuuriga oo aad iyagu izrael u taageersan Izrael ayaa dhankeeda u argtay magac aabista hagel inay tahay ciqaab izrael uuna kaga aar goosanayo madaxweyne obama raisul wasaarahai izrael natenyahuu oo isagu taageeray doorashadii waagii dhaweyd mareykanka ka dhacday mut romny oo ahaa ninkii obama la tartamayey.

Waxeyna fileyaa izrael in haddii uu hagel noqdo wasiirka difaaca ee mareykanka aaney sinaba u dhici doonin in iiraan la weeraro ama loo caga jugleeyo

Daljir Keyd
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2013, All rights reserved. Qorahay Online