Shukran Hassan Gure oo utaagan Garissa County Women Representative oo Magaalada Minneapolis xaflad taageero ah loogu qabtay.

Halkan ka dhagayso Radio Qorahay Barnaamijii ugu dambeeyay

Feb 22, (2013 (QOL) Magaalada Minneapolis waxaa lagu qabtay xaflad lagu taageerayay Shukran H. Gure oo u taagan doorashada dhawaan ka dhacaysa wadanka Kenya. Waxaa xaflada isugu yimid taageerayaasha Shukranm, kursiga ay u tartameyso waa Garissa County Women Representative.

Waxay u taagantahay xisbiga Wiper Democratic Movement oo ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka.dastuurka cusub ee wadanka kenya ayaa fursado badan siiyay hawenka,dagmo kasto waxaa laga soo dooran donaa qof haween ah.

Shukran waxaa kula tartamaayo kursigaan ila 6 haween ah, shukran ayaa hada olalo kawado dagemoyinka ay kakoobantahay gobolka Garissa, xafaldi loogu qabtay Magaalada Minneapolis maaysan ka soo qeeb galin balse badalkeda waxaa joogay Odaygeeda dadkii ka soo qeyb galay xaflada ka codsaday in ay garab istagaan Shukran.

Shukran waxay caawin jirtay caruur agoon ah ilaa iyo 2004-kii. Xarunta agoonta ee ay caawiso waxaa la yiraahdaa Mama Honey Orphanage waxayna ku taala Garissa.Shukran Waxay waxbarashadeeda jaamacada ku dhameysatay gobolka Minnesota.

Hoos kadawo xafladi Shukran loogu qabtay Magaalada Minneapolis.https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=vvl3r_HXqsM

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2013, All rights reserved. Qorahay Online